|

Go’doominta Siyaasaddeed Ee La Geliyey Dalka Marti-Gelin Doona Tartanka Koobka Adduunka Iyo Saamaynta Ay Ku Yeelanayso (Warbixin)

Hargaysa 09. June 2017 (SDN/QJ):- Xidhiidhka kubadda cagta Adduunku su’aal iyo shaki toonna masoo dhigin miiska, laakiin wuu jiraa dareenka ah in ay khasab tahay tahay in talo laga yeesho sida uu noqonayo koobka adduunka ee 2022 loo qoondeeyey in lagu qabto waddanka Qatar, haddii ay sii jirto xayiraadda go’doominta ah ee ay dalalka Khaliijku saareen dalka yar ee sida aadka ah ugu tiirsan.

Guddida qaban-qaabada Koobka Adduunka oo ka mid ahaa kuwii ugu horreeyey ee Isniintii hadlay markii waddanka Qatar cuno-qabaynta ay kusoo rogeen dalalka Sucuudiga amarkiisa ku shaqeeya ee Imaaraadka, Masar, Baxrayn, Yemen iyo Liibiya, waxay sheegeen in FIFA iyo waddanka Qadar ay ku wada jiraan qandaraas joogto ah oo aan wakhtigan shaki la gelin karin.

 

FIFA waxay ku sheegtay war-saxaafadeed ay soo saartay in qandaraas rasmi ah oo ah in lagu qabto Koobka adduunka ee 2022 ah ay ku wada jiraan waddanka Qadar, sidaas daraadeedna qaban-qaabiyeyaasha gudaha ku sugan iyo xubnaha sareba ay eegayaan sida ay ku dhamaato hawshan, waxayna diideen inay faallo dheeraad ah ka bixiyaan saamaynta cuno-qabataynta iyo haddii ay sii taagnaato oo dalku go’doon noqdo tallaabada ay qaadayaan.

 

Unugga saamaynta badan ee xidhiidhka kubadda cagta Jarmalka ee magaciisa loo soo gaabiyo DFB, oo ah waddanka haysta koobka adduunka ayaa sidoo kale ka gaabsaday inuu ka hadlo arrinta ka taagan dalalka gacanka, waxaana war-saxaafadeed uu ku saxeexnaa madaxweynaha DFB oo lagu magaabo Reinhard Grindel uu ku yidhi: “Waanu dersaynaa xaaladda cusub iyo jewiga adag ee siyaasadeed ee gobolka gaar ahaan waddanka Qadar oo aanu dawladdayada federaalka kala hadlayno.”

 

Xidhiidhka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA, ayaa iyaguna sheegay inay si dhow ula socdaan xaaladda kasoo cusboonaatay Qadar, balse ay wali haystaan shan sannadood oo ka hadhsan koobka adduunka ee 2022. Waxa UEFA ay intaas raacisay in ay mudan tahay in xal siyaasadeed la raadiyo intii lagu hanjabi lahaa qaadacaad.

UEFA war-saxaafadeedkeeda waxay ku caddaysay hanjabaad ka dhan ah waddanka Qadar waxaanay tidhi: “Laakiin mid aanu caddayno. Dunida kubadda cagtu ma ogolaan doonto, in tartan weyn lagu qabto waddan si cad u taageera argagixisada”

 

Xulka qaranka Qadar waxa uu wali ku hawlan yahay ciyaaraha isreeb-reebka koobka adduunka ee 2018 lagu qaban doono Ruushka, waxaanay yihiin kuwa ugu hooseeya hormadooda oo la ciyaaray toddoba kulan, ayna ka heleen afar dhibcood oo kaliya. Waxa u hadhay kulamo ay waajihi doonaan South Korea, Syria, iyo China.

Markii ay FIFA u dooratay Qadar sannadkii 2010 inay martigeliso koobka adduunka ee 2022-ka, waxa soo baxay muran galaaftay madaxdii xidhiidhka oo ay caddaatay in waddankan yar ee gaaska qaniga ku ah uu jeebadda u buuxiyey.

 

Waxay rajaynayaan in dadka u daawasho iman doona Koobka adduunku ay kor u dhaafi doonaan 1.3 Milyan qof, kuwaas oo intooda badan ay dalalka deriska ah ee hadda xidhiidhka u jaray ay ka iman doonaan, gaar ahaan Sucuudiga oo ah dalka ugu dhow. Laakiin dhacdadan cusub ee soo korodhay ayaa weji cusub keenaysa.

 

Dalka Qadar wuxuu leeyahay xeeb uu falan-qeeyaha arrimaha Khaliijka ee Kristian Ulrichsen oo ka tirsan Baker Institute at Rice University ee Houston, USA, ay ku tilmaantay mid ka mid ah badaha ugu deggan bariga dhexe, kaas oo ay ku damaashaadi karaan daawadeyaasha koobka adduunku.

 

Ultrichsen, waxa uu badka soo dhigay, walaac haysta dawladda Qadar oo ah inay jiraan dalal kale oo aan wali ka hadhin tartankii ay ugu jireen in iyaga loo doorto martigelinta oo markii hore ay kaga guuleysatay, hase yeeshee, wakhtigan olole u gelaya in laga wareejiyo martigelintiisa. Tani haddii ay dhacdo, khasaare badan ayaa gaadhaya Qadar, maadaama ay dhistay garoomo ay lacag badan kaga baxday, magaalooyin loogu talo-galay dadka dalxiiska u iman doona iyo adeegyo kale.

 

Simon Chadwick, oo ah macallin arrimaha ciyaaraha ka dhiga jaamacadda Salford University ee waddanka Britain, ayaa aaminsan in loo baahan yahay in la sameeyo qiimayn degdeg ah iyo in la qaado tallaabo dib loogu qorshaynayo martigelinta koobka Adduunka.

 

Masiibadii ciyaaraha markiiba way dhadhamisay Qadar, waayo naadiga Sucuudiga laga leeyahay ee Al-Ahli ayaa saacado kaddib markii dalalka gacanku go’doomiyeen, waxay sheegtay inay ka baxday heshiis ay kula jirtay shirkadda diyaaraha ee Qadar Airways, kaas oo sannadkii ay ka heli jirtay lacag dhan $AUD21 million.

 

Masiibada kale ee ciyaareed ee kusoo socota, waxay noqon doontaa Koobka dalalka Khaliijka oo bisha December la filayo in lagu qabto magaalada Doha, hase yeeshee, dalalkii ay ka qayb-geli lahaaba ay xidhiidhka u jareen Qadar.

Xog Ururin Uu tifaftiraha Degelka Ciyaaraha Ee Cadalool.com Ku Soo Koobay Go’doominta Lagu Sameeyey dalka Loo Qorsheeyey In Uu Marti Geliyo Tartanka Ciyaaraha Kubadda Cagta Adduunka Ee 2022-ka W/Qoray Abdiwahab A. Abeye.

Comments are closed