Gobollada Jubbooyinka Oo ay Maalintii Labaad Oo Xidhiidh ah Isgaadhsiintu Ka Maqan tahay
Kismayo:Feb-03-2014(SDN)-Wararka Saaka Naga Soo Gaadhay Magaalada Kismayo ayaa Sheegaya Inay Maalintii Labaad oo xidhiidh ah Saaka Hawada Ka Maqan tahay ka Dib markii ay Kooxda Alshabaab Shalay Amarkaas Soo Saareen.
Alshabaab ayaa shalay hawada ka saaray isgaadhsiintii magaalooyinka Bu’aale iyo Kismaayo oo xarun u kala ah Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, iyagoo aan sheegin wax sabab ah oo Tallaabadaas loo qaado.
SHirkadda isgaadhsiinta Hormuud ayaa xarumo ay ku leedahay Jubbooyinka la shaqo joojiyay shaqaalaha qaarna xabsi Alshabaab maamulaan ayaa la dhigay oo ay Wali ku Jiraan sida ay sheegayaan wararka aanu Helaynaa.
Ilaa hadda lama garan karo sababta ka dambeysa in Alshabaab ay hawada ka saaraan isgaadhsiinta Jubbada Hoose iyo Jubbada DHexe.
Warar u Dhuun Daloola Arrintan oo ay Qurbejoog.com Heshay, ayaa Sheegaya inay Hoggaanka Maamulka Kooxdu Amarkan Bixiyeen ka dib markii ay ku Bateen Weerrarada Reer Galbeedku Ku Qaadayaan Madaxdoodu, waxana ay si weyn uga Shakisan yihiin in Sababtu Tahay isgaadhsiinta oo lagu Hagayo Weerrarada lagu Hayo.
S.D.N.
Contact@somalidiasporanews.com