|

Gobolka Waqooyi bari Kenya oo 15 Qof lagu dilay

Mandhera  23.June (SDN) Weerar loo adeegsaday bambaanada gacanta oo dhacay woqooyi bari Kenya ayaa waxaa ku dhintay 15 qof. weerarku waxaa uu ka dhacay meel u dhow xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

dad ka badan 12 qof ayaa ku dhaawacmay weerarkaas oo ka dhacay deegaanka laga xukumo magaalada Mandheera, waxaana uu la xiriiraa dagaal maalintii Jimcihii halkaas ku dhexmaray laba beelood oo isla deegaankaas ah, kaas oo ay ku dhinteen lix qof.

 

Boliiska Kenya waxay sheegeen inay ciidan dheeraad ah u direen gobolkaas, waxaana la sheegayaa in dadku ay deegaankaas ka cararayaan.

Dhinaca kale, magaalada Nayroobi ayaa odayaasha labada dhinac ay ku heshiiyeen xabbad-joojin iyo in colaadda la joojiyo. Xubno ka tirsan Aqalada Barlamaanka iyo duqowda ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa u kala saxiixey heshiis ka kooban dhowr qodob.

Mandheera SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed