Gobolka Uttar Pradesh oo lagu soo rogay amar shaqo la’aan ka dhigay kumanaan Muslimiin ah
Delhi 01. April 2017 (SDN/QJ):- Dowladda India ayaa amar ku bixisay in la xiro dukaamada hilibka lagu gado ee gobolka Uttar Pradesh taasoo sababtay in ganacsato iyo kawaanley badan ay ku shaqo beelaan.
Dadkii ka ganacsan jiray waxay ku xanaaqsan yihiin wasiirka ugu sarreeya gobolka, Yogi Adityanath, oo ka soo horjeeda in la qalo ama la cuno Lo’da oo dadka diinta Hinduuga haysta ay u arkaan inay muqaddas tahay, iyadoo sidoo kale la xiray meelaha lagu iibiyo hilibka ariga iyo digaagga.
Kawaanleyda badankood ayaa muslim ah, waxayna ka cabanayaan in si caddaalad darro ah loo beegsaday xuquuqdoodiina loogu tuntay.
Arrintan ayaa daba socota ballanqaad uu sameeyey xisbiga BJP ka hor intii uusan ku guulaysan doorashooyinkii gobolkaas ka dhacay bishan.
Kawaanle la yiraahdo Shakeel Ahmed waa 52 jir, wuxuuna ka cabanayaa in uusan biili Karin carruurtiisa iyo labadiisa waalid sababo la xiriira amarkan.
Dowlada India ayaa la sheegay ineysan dadkan u heynin qorsheyaal kale oo shaqooyin loogu abuurayo, maadaama shaqooyinkoodii laga horjoogsaday.