|

Gobolka Togdheer oo Rikoodh Cusub dhigay Kadib Markii uu Caawimo u fidiyey Gobolka Gebilay DAAWO

Gebilay 23. February 2016 (SDN/QJ):- Gobolka Togdheer oo ka Mid ah Gobolada bari ee Somaliland ayaa Markii Kowaad Wuxuu Gurmad u fidiyey Gobolka Gebilay oo ay ka taagan tahay Xaalad abaareed oo saamayn ku Yeelatay Nolosha dadka iyo Duunyadaba.
Gobolka Togdheer ayaa loo arkaa mid soo afjaray halhays soo jireen ah oo lagu sheegi jiray in Cida la caawiyaa ay tahay Goboladda Bari,Cida Taakuladda Fidisaana ay Yihiin Kuwa Galbeedka.
Maamulka Gobolka Togdheer oo uu hor kacayo Gudoomiyaha Gobolkaasi Maxamed Ibraahin Qabo ayaa Ku dhawaad Boqol Gaadhi oo sida Deeq Caws ah Waxay ku Wareejiyeen Maamulka Gobolka Gebilay.

Comments are closed