“Gobolka Sanaag Qabyaalad Baa Ka Uraysa, Waxa La Doonnayaa In Dadka Xumaanta La Dhex Saaro” Weftiga Xukuumada ee Ceerigaabo ku Sugan
Ceerigaabo 19.Nov 2015 (SDN/QJ):- Wasiirro Xukuumadda Somaliland ka tirsan oo socdaal shaqo maalintii labaad ku jooga magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa si adag ula hadlay Masuuliyiinta heer gobol iyo degmo, isla markaana sheegay inay dawladdu tallaabo qaadi doonto lagu kala beddelayo haddii aanay si wacan shaqadooda u gudan, isla markaana aanay turxaan saarin Shacabka dhexdiisa.
Weftigaa oo uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, xubnana ay ka yihiin Wasiirrada Gaashaandhigga, Dib-u-dejinta, Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Gaashaandhigga, Wasiiru-dawlaha Maaliyadda, Taliye Ku-xigeenka Booliska iyo Taliyaha Ciidanka RRU oo Isniintii gaadhay Ceerigaabo, waxay shalay iswaajaheen masuuliyiinta dhamaan hay,adaha dawladda ee gobolkaa, isla markaana masuuliyiinta laamaha dawladda ee gobolkaasi waxay kala kulmeen weftiga canaan kulul oo salka ku haysa khaladaadka iyo dhibaatooyinka ka hoos jirra talladdooda, taasoo loo aanaynayo inay sababtay shaqaaqaddii u dambaysay oo ay ku dhaawacmeen sagaal qof oo shacbi ahi kadib markii dad gaddoodsan iyo ciidamadu ay isku dhaceen.
Isku dhacaa ayaa dhacay kadib markii boolisku damceen inay gurrigiisa ka qabtaan sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska oo lagu eeddeeyay inuu hub kala soo degay xeebta gobolkaa, isla markaana ay talaabaddaa oo dhanka kale lagu sheegay inay tahay mid wanjalaad ah oo been ah ka gaddoodeen dadweynaha qaarkood.
Wasiirka Daakhilga Cali Warancadde hadal kooban oo uu ka jeediyay wuxuu ka yidhi; “Gobolka qabyaalad baa ka uraysa, horumar la,aan baa ka muuqata, waxa la doonayaa in dadku wallaaloobo, oo xumaanta laga dhex saaro, oo boggooda burcad laysu mariyo, oo waxyaabaha yaryar ee xumaanta ah ee ku dhex jirra laga masaxo, maanta laga bilaabo shacab kale lala xisaabtami maayee, madaxda gobolkaa lala xisaabtamayaa. Haddii shacabkaasi ka muuqdo muraayadda isagoo qurux bandanna wanaageedda idinkaa yeelanaya, haddii shacab aan qurux badnayni ka muuqdo muraayaddana ceebteeda iyo dhibaatadeeda idinkaa yeelanaya.”
Qaar kale oo ka mid ah masuuliyiinta kale ee weftigaa oo goobtaa ka hadlay ayaa iyana hadalo duurxul ah u qadimay madaxda laamaha dawladda ee gobolkaa. Wasiirka Dibudejinta Cali Raygal ayaa u sheegay masuuliyiinta laamaha dawladda ee gobolkaa inay badi yihiin qaar muddo dheer iska fadhiyay, haddii ay hawlahooda iyo waajibkoodda qabsan waayaanna ay khasbayso in la bedelo. Maayarka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur iyo Badhasaabka gobolkaa Axmed Cabdi fallaay ayaa ka hor xubnaha weftigaa hadalo kooban oo soo dhawayn aha aka jeediyay madashaa.