|

“Gobolka Gabiley waa gobollada uu ku abtirsado KULMIYE, waxaannu xisbiga u yaqaan gobolka guusha KULMIYE oo waxaaba la yidhaa waa Florida KULMIYE” Murashaxa Kulmiye Iyo Socdaalkiisa Gebilay DAAWO.

Gebiley 9. February,2016(SDN/QJ):– Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ahna Musharaxa madaxwayne ee xisbigaas Muuse Biixi Cabdi iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa safar indho-indhayna ku tagay magaalada Gabiley.

Safarkan uu guddoomiye Muuse Biixi ku tagay gobolka Gabiley ayaa waxaa ay ujeedadiisu tahay sidii ay usoo kormeeri lahaayeen shacabka abaaruhu saameynta ba’an u gaysteen ee ku nool gobolkaasi.

Wafti guddoomiyaha waxaa magaalada Gabiley kusoo dhaweeyay Badhasaabka gobolka Gabiley Muse Cabdi Shiine, Duqa magaalada Maxamed Amiin Cumar Cali, taageerayaasha xisbiga Kulmiye iyo Marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo la hadlay bulshada gobolkaasi ayaa sheegay inaanu waftigani u socon Olole balse ay u socdaan sidii waxgaradka gobolka ay uga waraysan lahaayeen abaaraha ka jira Gobolka Gabiley iyo qaab loo caawin karo bulshada ay saameynta Taban ku yeesheen Abaaruhu.

Comments are closed