|

Go’aanka Xukuumadda Somaliland Ka Soo Saartay Joojinta Gudniinka Fircooniga ah & Cidii lagu Qabto oo Ciqaab Mutaysan doona DAAWO

Hargaysa 06. February 2018 (SDN/QJ):-Xukuumadda Somaliland ayaa Maanta Waxay go’aano adag ka soo Saartay Gudniinka Fircooniga ah iyadoo Maanta Dunnida laga Xusayo Joojinta Gudniinka Fircooniga ah.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland ayaa Fadwadan ka soo baxday Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Waxa uu ka Jeediyey Xuskii maanta loo qabtay Joojinta Gudniinka fircooniga ah.
Qodobada Fadwadan lagu go’aamiyey ayaa kala ah.
1. In Gudniinka hablaha ee Sharcigu yahay Mid waajib ah iyadoo loo gudayo qaab waafaqsan shareecada islaamka sida ku cad nusuusta iyo mad-habta shaaficiyada ee lagaga dhaqmo dalkeena JSL.
2. Waxaa Xaaraan ah oo denbi ah gudniin kasta oo aan waafaqsanayn amase khilaafsan gudniinka Sharciga ah ee Kor ku xusan kaas oo dhaliya ama keena googoyn toltolis sida gudniinka fircooniga ah iyo wixii la mid ah.
3. Gabadh kasta oo la kulanta gudniinka fircooniga ah waxay yeelanaysaa Magdhow ku salaysan hadba inta uu le’eg yahay dhaawaca ama gabood falka loo gaystay.
4. Qof kasta oo ay ku cadaato inuu ku kacay gudniinka fircooniga ah wuxuu mutaysanayaa ciqaab ku salaysan hadba inta uu le’eg yahay gabood falka uu gaystay.
Fadwadani waxay ka soo baxday Wasaaradda Diinta iyo awqaafta waana in laga feejignaadaa in cid kale laga qaato fadwo aan waafaqsanayn amase ogolayn Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland.

Comments are closed