|

“Go’aanka AlShabaab Ee Doorashada Soomaaliya Waa Dil iyo Dagaal…” Afhayeenka Alshabaab Cali Dheere

Muqdisho 25.Sep 2016 (SDN/QJ):- Xarakada Al-Shabaab ayaa markii u horaysay ka hadashay doorashada dadban ee dhowaan dalka ka dhacaya, kaasoo lagu soo dooran doono Baarlamaan iyo Madaxweyne.

cali dheereAfhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in doorashadaas go’aanka uga degsan uu yahay dil iyo dagaal, isagoo digniin u jeediyay odayaasha soo xulaya Baarlamaanka.

“Go’aanka uga degsan Mujaahidiinta doorashadaas waa dil iyo dagaal, waa qorshe dowladaha shisheeye soo agaasimeen oo laga leeyahay ajandayaal gumeysi” ayuu yidhi Cali Dheere.

Waxaa uu u jeediyay Odayaasha soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka, in aysan noqon in laga dhigto jaran-jaro lagu koro halka la rabo, kadibna la iska tuuro sidii horay u dhacday oo kale.

Cali Dheere ayaa ku booriyay dagaalyahanada Al-Shabaab inay weeraro ku qaadaan goobaha doorashooyinka ka dhacaya, isagoo uga digay shacabka inay ka qeyb qaataan doorashooyinka.

Al-Shabaab ayaa dooneysa inay xukunka ka tuurto dowladda Soomaaliya ee uu Caalamka aqoonsan yahay, waxaana dagaal kula jirtaa Ciidamada AMISOM oo taageero siinaya ciidamada dowladda.

Kooxda Alshabaab ayaa mudooyinkii u danbeeyay oo dhan ka fulisay qaraxyo magaalada Muqdisho taasoo ay ku laayeen shacabb aad u tiro badan hadana waxaa hadalkan ka soo yeedhay afhayeenka Alshabaab uu wal wal wayn ku abuuri doonaa dawladda Soomaaliya oo dhawaan isku diyaarinaysa in magaalada kuqdisho lagu dorto madaxweynaha hogaamin doona dalkaas dagaaladu la dageen iyo waliba xubnihii matali lahaa shacabka ee Baarlamaanka.

Comments are closed