|

Go’aan Adag: Xukuumadda Oo Dhulka La Sintay Dhismayaashii Tuulada Dogoble Oo Xuddun U Ahayd Colaaddii Beelaha Ceel-Af-weyn

Hargaysa 17.October 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland, ayaa fulisay Go’aan ay hore ugu gaadhay in la dumiyo dhismayaasha Tuulada Dogoble oo ka mid ahayd Tuulooyinka Hoos taga degmada Ceel-Af-weyn ee Gobolka Sanaag, ka dib markii ay halkaas ku dagaalameen Beelo Walaalo ah oo Mulkiyaddeeda Dhuleed isku haystay.

deegaanka-dogobleDeegaanka Dogoble oo dhowr jeer oo is-xig-xigay uu Dagaal ku dhex maray Malleeshiyo-beeleedyo Walaalo ah oo isku haystay Mulkiyaddeeda Dhuleed, ayaa Xukuumaddu Dhulka la sintay wixii Guryo ka dhisnaa, ka dib markii doraad Lacag Caddaan ah oo Mag-dhow ah loo qaybiyey 85 Qoys oo ku noolaa Guryaha Shalay la dumiyey.

Qodobbadii lagu heshiisiiyey Beelihii ku dagaalamay Dogoble iyo deegaannada kale Dararweyne iyo Bucuhu ka mid ahaayeen, ayaa waxa ku jiray in la dumiyo Tuulada Dogoble oo ahayd xudunta Colaadda.

Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye, Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhiga Maxamuud Warsame Jaamac, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Eng. Cabdirashiid Riyo-raac iyo Madax-dhaqameedka Beelihii halkaa ku dagaalamay ee heshiisha duminta Magaalada saxeexay, ayaa goob-joog ka ahaa Hawl-galka Shalay lagu baa’biiyey Tuuladaasi, waxaana ammaanka guud ee deegaanka Dusha ka ilaalinayey Ciidammada Qaranka.

deegaanka-dogoble“Shacabka waxaan leeyahay Cid Nabad idiin soo dhalinaysaa ma jirto haddaanay idinka idinka iman, ee sidaad horeba ugu dhego-nuglaydeen wanaagga iyo Nabadda isku Kaba-raaciya (duminta Tuulada dhibku ka dhacay)..”Sidaa waxa Shacabka u soo jeediyay Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamuud Cabdi Falaay.

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo isaguna Saxaafadda la hadlay Shalay markii la duminayey Dhismayaasha Tuuladii Dogoble, ayaa sheegay in Dadkii degganaa Tuulada la dumiyey si wanaagsan uga diyaar-garoobeen oo ay wixii guryaha hoos yaalay ka qaateen, “Dadku si wanaagsan ayay uga diyaar-garoobeen oo Alaabtii guryaha u hoos-taalay iyo Jiingadihii ay ka qaateen, markaas ayay Cagaftu gashay (Oo lagu dumiyey).” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay Xaaladda Amniga ee deegaankaasi, “Nabadgalyadu way taagan tahay oo tuulo walba Ciidammada Qaranka ayaa jooga, Shacabkana waxaanu leenahay nagala shaqeeya Nabadda.”

Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo isaguna halkaa ka haday ayaa sheegay, “Mid ka mid ah Go’aamadii Xukuumaddu soo saartay 21-kii bishii Sagaalaad ee sannadkan ayaa dhigayey in gabi ahaanba la dumiyo Tuulada Dogoble. ILAAHAY Mahaddii Saaka (Shalay)  ayaa lagu dumiyey, Ciidammada Qaranka, Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Weftigii kale ee Xukuumadda ayaa joogay, markaa dumintaasi si Nabadgalyo ah ayay ku soo dhamaatay, waxayna hawshaasi u fushay sidii Xukuumaddu ugu talo-gashay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu farriin u diray Wasiir ku-xigeenku Dad uu sheegay inay joogaan Magaalooyinka Hargeysa mid tahay iyo Qurbaha, kuwaasi oo uu sheegay inay Warbaahinta mariyeen Hadallo lid ku ah Qorshaha lagu dumiyey Dogoble.

Comments are closed