Giriigga oo afti u qaadaya qorshaha dayn bixinta ee Yurub.
Athens,5july,2015(QJ/SDN)-Malaayiin qof oo reer Giriig ah ayaa maanta u codeynaya afti ku saabsan in la diidaayo ama la aqbalaayo qorshaha dayn bixinta ee dalkaasi ay u soo jeediyeen Yurub.
ra’iisul wasaaraha Giriiga isagoo codkiisa dhiibanaaya, Alexis Tsipras, waxa uu sheegay in aanu jiran qof diidi kara rabitaanka shacabka.
Xisbigiisa ayaa waxa ay dadka horey ugu baraarujiyeen inay diidaan qorshaha loosoo jeediyay ee uu ku tilmaamay inuu yahay mid lagu duleysanaayo Giriigga.
Wasiirka dhaqaalaha ee dalka Giriigga, Yanis Varoufakis, ayaa sheegay inay rajo wanaagsan u noqoneyso wixii ka soo baxa aftida socota.
Laakiin hogaamiyayaasha Yurub iyo mucaaradka Giriigga waxa ay ka digeen in loo codeeyo MAYA, taas oo ay tilmaameen inay keeni doonto natiijo uu Giriiga uga baxo dalalka isticmaalo lacagta Euro ga. Waxaana la saadaalinaayaa in natiijada ay aad isugu dhowaan doonto.