|

General Samatar oo ay Ku Cadaatay Xasuuqii uu ka Fuliyay Somaliland+Maraykanka oo Masaafurinaya iyo Somalia oo Shaacisay inaanu Dhawrsooni lahayn DAAWO

Hargaysa 23.March 2015 (SDN/QJ)- Mudo dheer kadib Waxaa lagu guulaystay in Maxkamada Sare ee Maraykanku ay u aqoonsato General Maxamed Cali Samatar inuu gabood falo ka dhan ah Xuquuqda aadamaha ka gaystay Somaliland,Isagoo Magangalyo Siyaasadeed ku Jooga Dalka Maraykanka isla markaana ay Maxkamadu Go’aamisay in laga Masaafuriyo Wadankaas,Geesta kalena Dawlada Federaalka Somalia ayaa Sheegtay inaanu Wax Xasaanad dhawrsooni ah lahayn General Samatar .

Xubno ka mid ah Qareenadii dacwada ku oogay dhagar qabe Cali Samatar ayaa sheegay inay tahay Guul taariikhi ah oo laga gaadhay Mid ka mid ah Dhagar qabayaashii xasuuqa ka gaystay geyiga Somaliland .

Comments are closed