|

General Moorgan oo laga Reebay Xubnaha Aqalka Sare ee Dalka Somaliya

Garowe 21.October 2016 (SDN/QJ):- Wararka ka imanaya magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in doorashadii Aqalka Sare loogaga guuleystey General Maxamed Siciid Xirsi Morgan, kadib markii musharixii la tartamayay Bootaan Barre Samatar uu helay 38 cod, halka uu Janaral Maxamed Siciid Xirsi Morgan uu ka helay 27 cod.

general-morganGeneral Maxamed Siciid Xirsi Morgan ayaa si aad ah loogaga cabsi qabay in uu ku guuleysto doorashadan waxaana soo baxayay cabsi ay ka muujinayeen wadamada caalamka iyo qaramada Midoobay.

 

Dhawaan ayaa wakiilka qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya  waxa uu codsaday in laga saaro liiska musharixiinta ragga hore ugaga soo qeybqaatay dagaaladii sokeeye ee dalka Soomaaliya.

Comments are closed