General-kii Ka Gadooday Maamul-goboleedka Puntland Oo Hubkiisii Iyo Ciidankiisii Ku Wareejiyey Maamulka, Waan-waan Dheer Kadib
Garowe:Jully,21,2015(SDN/QJ)-Taliye-ku-xigeenkii hore ee Ciidamada Daraawiishta Maamulka Puntland Gen. Muxyadiin Axmed Aw Muuse, ayaa ugu dambayntii waxa lagu guulaystay in waan waan lagu soo celiyo, kadib markii uu muddo duurka ku jirey isagoo watay saraakiil kale iyo ciidamo xoog leh oo khalkhal geliyey jiritaanka Maamulkaas.
Ladqabada Sarkaalkan oo muddo dheer lagu hawllanaa, ayaa lagu guulaystay waxana ugu dambayntii uu hubkii uu watay iyo ciidankiisiiba si rasmi ah ugu wareejiyey dhinaca Maamulka uu markii hore ka cadhooday ee uu hoggaamiyo madaxweyne Cabdiweli Gaas.
Taliye kuxigeenkii hore ee Ciidamada Booliiska Puntland Gen.Muxyadiin Axmed Muuse ayaa Sheegay in ciidamadani ay mar walba u taagan yihiin sidii ay uga shaqayn lahaayeen horumarka iyo difaaca guud ahaan dadka iyo dalka Puntland, wuxuuna ku booriyey inay waajibaadkoodii guteen kadib markii laxaliyey cabashadoodii ay hore uga soo baxeen Goobihii ay difaacyada kala duwan kaga Jireen.
Gen.Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa dhankiisa khudbad uu u jeediyay ciidankii gadoodey ee dib usoo laabtay ku booriyey inay dhexda u xidhaan sidii ay uga soo bixi lahaayeen waajibaadka ka saaran dalkooda una adeegaan danaha shacabka iyo qaranka wax walbana ka hor mariyaan Maslaxada Guud ahaaneed .
Muddo Bilooyin ah waxaa is faham waa Xoogani ka dhextaagnaa Gen.muxyadiin Axmed Muuse iyo saraakiil kale oo la socota oo isku dhinac ah iyo Maamulka Puntland iyadoona saraakiishani ay u baxeen deegaanka Qarxis ee Gobalka Nugaal halkaasi oo ay kaga daba tageen Ciidamo ka tirsan Maamulku Mudana isku Hor fadhiyeen.
Waan waan dheer oo ay kawada qayb qaateen isimada Gobalka Nugaal, Culima Awdiinka, Siyaasiyiinta Gobalka iyo qaybaha Bulshadu waxaa suurto gashay in loo kala dab qaado labada dhinac Gabagabadiina waxaa dadaaladaasi ku soo Biiray Raysul wasaarae Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo Madaxwaynaah Maamulka Jubba Axmed Maxamed islaam (Madoobe).
SDN/QJ