|

Gen Nuux Taani oo seefta Siilaanyo dul hoganeyso

Hargeysa Dec 07,2011(qurbejoog.com)-Genanka ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa warar hoose oo aanu helay tibaaxayaan in uu qarka u saaran yahay xil ka xayuubin.

Gananka ayaa mudo sanado ahba waxa dul hoganayay tuhuno la xidhiidha ku lug lahaanshaha colaada Ceel-berdaale ee aaga Gebilay.

Intii ka danbeysay dilalakii foosha xumaa ee dhawr casho ka hor ka dhacay degaanka Seemaal ee aaga Gebiley ayaa waxa isa soo tarayay culays saaraa madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo oo ku wejahan masuuliyiinta ay beelaha Awdal ku eedeynayaan ku lug lahaashaha colaadan.

Maalinimadii shalay ayaaunbay aheyd kolkii ay ciidamada denbi baaristu xabsiga dhigeen la-taliyihii madaxweynaha ee dhanka Siyaasada Abiib Timacad oo ka mid ah raga colaadan lagu tuhmayo.

Gen Nuux Taani oo in mudo ah oo madexweyneyaal isxigay ay Somaliland ka arriminayen xilka abaanduulaha ay u carbuuneyd ayaa iminka qarka u saaran in la eryo.

Beelaha aaga Ceelbardaale ayaa mid waliba dhankiisa Madaxtooyada Somaliland culeys ku saarayaa in dhankeeda ay wax ka tusto,waxaase haatan la joogaa xiligii uu madaxweyne Axmed Siilaanyo tilaabo qaadan lahaa.

 

Qurbejoog-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed