Geeska Africa & Hirdanka Dalalka Carbeed Iyo Kuwa Reer Galbeed ee Saldhigyada Mileteri ka Samaysanaya Iyo Dhaqaalaha Laga Helo
Hargaysa 13. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Geeska Afrika Wadamadiisa ku yaala Bada cas & Sal-dhigyada Ciidan ee ku yaal.
1- Eritrea:-
Waxa Sal-dhig Ciidan ku leh Wadamada:-
1- Israa’iil:-
Tirada Ciidan ee u-joogtaa waa:- 600. Askari.
Lacagta lagaga kireeyay Sal-dhigaasi waa:- 1 $ Bilyan, taas oo ay ku qaadatay Saanad Ciidan oo kala ah, 30 Diyaaradaha Dagaalka ah iyo 230 Taangi.
Sanadka la Furay waa:- 1995, waxana si-rasmiya loo Sexeexay 1993.
Magacyada Sal-dhigu waa:- Musawac, Mahkalay, Rawaxibaab & Jasiirada Dahlak.
Mudada Heshiisaka:- lama oga inta uu soconaayao.
Lacagta Mudadaas oo dhan:- In lacagtu intaas tahay iyo in ay Sanadkasta intaas bixinayso ma kala cada, se waxa ay u badan tahay in ay tahay intaas ay halka mar-qaaday.
Fiiro Gaara:-
Heshiiskaas waxaa ku-lamaan mid xog-wadaag.
2- Iiraan:-
Tirada Ciidan ee u-joogtaa waa:- lama oga.
Lacagta lagaga kireeyay Sal-dhigaasi waa:- Qiimo Jaban ku hesho Shidaalka Iraan.
Sanadka la Furay waa:- 2008.
Meesha uu ku yaal Sal-dhigu waa:- Casab.
Mudada Heshiisaka:- Ma cada.
Lacagta Mudadaas oo dhan:- Qiimo Jaban oo Shidaalka Iraan ay ku helayso.
Fiiro Gaara:-
Heshiiskaas waxaa ku-lamaan mid xog-wadaag.
3- Imaaraadka:-
Sal-dhigani waa mid hada ay socoto dhidmihiisu, se wali xogtiisu banaanka uma soo bixin, waxa kaliya oo laga hayaa waa sawiro si-qarsoodiya looga qaaday.
Djibouti:-
Waxa Sal-dhig Ciidan ku leh Wadamada:-
1- Faransiiska
Tirada Ciidan ee u-joogtaa waa:- 4,000. Askari.
Lacagta lagaga kireeyay Sal-dhigaasi waa:- 34 $ Milyan Sanadkii.
Sanadka la Furay waa:- Heshiiskii Xornimada uu ku siiyay, ayay ku jirtay in uu Sal-dhig Ciidan ku lahaado, waxana la furay 1977.
Mudada Heshiisaka:- Joogtiaan Rasmiya weeyi.
2- Talyaaniga
Tirada Ciidan ee u-joogtaa waa:- 90. Askari.
Lacagta lagaga kireeyay Sal-dhigaasi waa:- 34 $ Milyan Sanadkii.
Sanadka la Furay waa:- 2013
3- Maraykanka
Tirada Ciidan ee u-joogtaa waa:- 4,000. Askari.
Lacagta lagaga kireeyay Sal-dhigaasi waa:- 63 $ Milyan Sanadkii.
Sanadka la Furay waa:- 2002, Waxana si rasmiya dhidibka loogu taagay 2008, iyada oo hindisuhu bilawday 2007.
Magaca Sal-dhigu waa:- Camp Lemonnier “ AFRICOM “
Fiiro Gaara:-
1- waxa kale oo ka soo kaca Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn, waxana ay Dilal ka gaystaan Somaliya, Yemen.
2- C.I.A. waxa ay ku leedahay xarun ay ka qabqabato dadka looga shakiyo argagixisada.
4- Jabaan
Tirada Ciidan ee u-joogtaa waa:- 600. Askari.
Lacagta lagaga kireeyay Sal-dhigaasi waa:- 30 $ Milyan Sanadkii.
Sanadka la Furay waa:- 2011
5- Boqortooyada Sucuudiga
Sanadka la Furay waa:- 2015
Fiiro Gaara:- Waxa lagu heshiiyay Sal-dhigaas, se wali xogtiisa hoose dibada uma soo bixin.
6- Jayna
Tirada Ciidan ee u-joogtaa waa:- 10,000. Askari.
Lacagta lagaga kireeyay Sal-dhigaasi waa:- 100 $ Milyan Sanadkii.
Sanadka la Furay waa:- 2014 – 2024
Magacyada Sal-dhigu waa:- Sanadkan buu dhamaanayaa dhismaha Sal-dhigu.
Mudada Heshiisaka waa:- 10. Sano.
7- Jarmalka
Sanadka la Furay waa:- 2002
Fiiro Gaara:- Sal-dhigaas wali xogtiisu dibada uma soo bixin, se waxa laga hayaa waa waxa war-baahintu sheegto.
Fiiro Gaara:-
1- Lacagta Sal-dhigyadaas ka soo-gasha Sanadkii Dawlada Jabuuti waa:- 261,000,000. $ Milyan.
2- Xogtan waa xog inta badan Dawlada Jabuuti ka qariso Bulshadeeda.
La-soco qaybta ku xigtaa waa Wadanka Somaliya.
W/Q:Garyaqaan Cabdale Daahir Aadan