|

Geerida Madaxweynihii Hore Ee Dalka Turkiga Oo Lasoo Sheegay Iyo Dhacdooyinka Lagu Xasuusto Noloshiisii

Ankara:May,10,2015(SDN/QJ)-Kenan Evran, Madaxweynihii hore ee Waddanka Turkiga, ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday Cisbitaal ku yaalla Dalka Turkiga.

kemiMudaane Kenan Evren, ayaa Hoggaaminayey Afgembi dhiig badani ku daatay oo dalkaasi ka dhacay sanadkii 1980-kii.

Wuxuu ahaa 97-sano jir. Sanadkii tagay ayaa lagu xukumay xabsi daa’in, taas oo sabab u ahayd ku lug lahaanshihiisa afgembigaasi militari.

Kenan Evren weligiis kama aanu shalaynin, doorkii uu ku lahaa afgembiga dadka badan ay ku dhinteen ee xilligan casriga ah ka dhacay Turkiga.

Xilligaasi oo xukunka ay xoog kula wareegen militeriga, 1980-kii, waxaa ka dhashay, in 500 kun oo qof in la xidho, boqollaal la waayay iyo boqollaal kale oo jidhdil u dhimatay.

Waxaana waqtigaasi la mamnuucay dhammaan axsaabta siyaasadda, waxaa la xidhay hogaaimayaashooda, waxaana si gaar ah loo badhtilmaameedsanayay xisbigii dhaqdhaqaqa Kurdiyiinta ee Turkiga.

Laakiin waxaa jiray qeybo ka mid ah shacabka Turkiga oo afgembiga soo dhaweeyay, iyagoo aaminsanaa in xasilloonida dalkaasi ay soo celineyso.  Balse waxaa necbaa qeybaha siyaasadda ee Turkiga.

Afti dadweyne oo lagu badalaayay dastuurka oo ogolaanaayay in la dacweeyo hogaamiyayaasha nool ee afgembiga ka dambeeyay ayaa siweyn ay u taageereen shacabka, 2010kii.

Kenan Evren waxaa lagu yaqaanay cadaadinta, axsaabta bidixda u janjeedha, Kurdiyiinta, wadaniyiinta, iyo Islaamiyiinta.

Marka loo eego xukunkiisii militariga, waxa uu ahaa qof muhiim ah illaa uu maamulkiisii dhammaaday, balse waxaa jira dad badan oo aan ka murugoondoonin geeridiisa.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed