”Geerida Hoggaamiyaha Al-Shabaab maxay Soomaaliya u horseedi kartaa? Yuusuf Garaad Cumar
Muqdisho 07.Sep 2014 (SDN/QJ)- Tifaftirihii hore Idaacada BBC-da Yuusuf Garaad Cumar haatan ah Siyaasi Madax banaan ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dilka hogaamiyihii Xarakada Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, oo Wasaarada difaaca Mareykanku shaacisay inay ku dileen weerar cirka ah oo ay ku qaadeen Isniintii aynu soo dhaafnay.
Yuusuf Garaad waxa uu is-weydiiyay dhimashada Axmed Cabdi Godane waxay ka bedeli karto Soomaaliya, iyo weliba dhalinyarta Soomaaliyeed qaabka ugu haboon ee looga bad-baadin karo dhimashada goobaha dagaalka iyo in kooxo kooxo ay noqdaan.
Yuusuf Garaad Cumar waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook-ga, kadib markkii ay soo baxday inuu dhintay Amiirkii Al-Shabaab, waxaanu u dhignaa qoraalkaasi sidan:”Geerida Hoggaamiyaha Al-Shabaab maxay Soomaaliya u horseedi kartaa? Sideese looga faa’iideyn karaa nabadda, dib u heshiinta iyo in laga gudbo xaaladda hadda dalku ku jiro, gaar ahaan Koofurta iyo Badhtamaha.”Ayuu yidhi.
isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi”Sidee dhallinyarada faraha badan ee Soomaaliyeed looga badbaadin karaa in ay goob dagaal ku dhintaan iyaga oo laba dhinac ka soo kala jeeda..”
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com