GEEDDEEBLE:Saddex Mishiin Oo Biyaha Hargaysa U Qaybin Jiray Oo Xumaaday
Hargaysa 01.Aug 2015 (SDN/QJ)- Saddex ka mid ah afar mishiin oo biyaha u ka soo qaadi jiray Geeddeeble una qaybin jiray caasimada Somaliland ee Hargaysa oo ciladoobaya,kuwaasi guud ahaanba fadhiistay.
Qaar ka mid ah Engneeradda ku sugan magaalada Geeddeeble ee degmada Daarasalaam oo ka tirsan gobolka Maroodi jeex ayaa noo xaqiijiyay inay afartii mishiin ee biyaha keeni jiray caasimada Hargaysi saddex ka mid ahi cilad ku timid kuwaasi oo aan wakhti xaadirkan shaqayn.
Caasimadda Hargaysa ayaa waxa biyala looga keenaa deegaanka Geeddeeble ee waqooyiga Hargaysa kuwaasi oo ay uga masuul tahay wakaalada biyuhu.
Maareeyihii Wakaalada biyaha ayaa safar dibadeed ugu maqan todobaadkii ugu dambeeyay wakhti caasimaddu biyo la’aan joogto ,kaasi oo shir kaga qayb galay dalka dibadiisa.
Caasimada Hargaysa ayaa habeennadii ugu dambeeyay biyuhu gabaabsi ku ahaayeen halka degmooyinka caasimada qaarka mid ah aan biyo la’aan soo food saartay,dad waynaha caasimadda ayaa cabasho ka muujinaya biyo la’aantaasi soo foodsaartay.