|

Gavin Williamson ayaa shaaca ka qaaday inay dib u soo celinayaan guddiyadii baarlamaanka ee hore u taageeri jiray qaddiyadda Somaliland.

London December 06, 2024(QJ) – Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska, ayaa shaaca ka qaaday inay dib u soo celinayaan guddiyadii baarlamaanka ee hore u taageeri jiray qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday wakaaladda wararka ee SOLNA oo soo xiganaysa qoraal uu ku baahiyey baraha bulshada Williamson, go’aankani waxa uu daba socdaa sidii guul iyo doorasho xalaal ah uga qabsoontay Somaliland 13-kii November 2024-ka.

Williamson waxa uu sheegay in ajandayaasha ugu horreeya ee guddiyadani ay noqon doonaan sidii ay uga shaqayn lahaayeen sidii Somaliland loogu aqoonsan lahaa dal madax-banaan.

Xoghayihii hore ee gaashaandhiga UK oo hore baarlamaanka UK u horgeeyay mooshino lagu raadinayo aqoonsiga Somaliland, ayaa carabka ku adkeeyay in Somaliland tahay qaran dimuqraadi ah oo mudan in la aqoonsado, iyadoo UK ay suurta gal tahay inay hormuud ka noqoto dadaalkan.

Comments are closed