|

Garyaqaanka Guud Ee Somaliland Oo Tafsiir Sharci Ka Bixiyay Khilaafka Haamaha Shidaalka ee Berbera

Hargeysa, 09.Sep 2015 (SDN/QJ)- Garyaqaanka guud ee qaranka Somaliland Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa ka hadlay waxa uu waxa sharcigu ka qabo go’aankii ay Golaha Wakiilladu ku laaleen wareejinta haamah kayadka shidaalka, waxaanu sheegay in Madaxweynuhu qoraalkii uu u diray Golaha ku xusay in Xukuumaddu aanay gelin heshiis ku saabsan haamaha.
Garyaqaanka Guud ee QarankaGaryaqaanka guud oo maanta warbaahintu wax ka weydiisay arrinta haamaha waxa kale oo uu sheegay in Madaxweynuhu hore u soo saaray amar jidaynaya in haamaha kayadka shidaalka la hoosgeeyo Wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga.
“Xukuumaddu awood sharci ma u leedahay inay gasho heshiisyo mawduucaa laga hadlayo ee go’aanku ka soo baxay, maadaama sidaan hore u soo sheegay go’aankaasi aanu Xukuumadda waajib ku ahayn, sababta aanu waajib ahayna aan soo sheegay wey u banaan tahay Xukuumadda tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan iyo tallaabo kasta oo ay ka qaadayso ama ay ku maamulayso haamaha iyo wixii kale ee la mid ahba. Maadaama aanu jirin xeer iyo sharci mamnucaya oo iyaddu (Xukuumadda) ay ka masuul tahay oo Madaxweynuhu muddo hore ayuu soo saaray Digreeto uu ku hoos geynayo haamaha shidaalka Wasaaradda ganacsiga, islamarkaana uu meesha saaray maamulkii ay maamulaysa shirkaddii TOTAL.” Ayuu yidhi Garyaqaanka guud ee qaranka Somaliland Ibraahim Iidle Saleebaan
Ibraahim Iidle Saleebaan oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray “Laga bilaabo maalintaa ilaa maanta waxa maamulaya oo gacanta ku haya Wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah, sidaa darteed wey u banaan tahay haddii heshiis la galo in la geynayo golaha iyo inaan la geynayn waxay ku xidhan tahay dabeecada heshiiska oo waxa jira heshiiyo Dastuurku yidhi ha la hor geeyo Golaha Wakiillada oo ay ansixin ku leeyihiin iyo heshiiyo aanay ku lahayn. Heshiisyadaa ay ku leeyihiin waa kuwa Dastuurku tilmaamay, markaa haddii Xukuumaddu gasho heshiis ka mid ah heshiiyada Dastuurku tilmaamayna, sharciga waa la raacayaa oo waxa la hor geynayaa Golaha Wakiillada.” Ayuu yidhi Garyaqaanka guud ee qaranka

Comments are closed