Garyaqaanka Guud ee Somaliland oo Ka Difaacay Madaxweyne Muuse Biixi eedaymo Sharci oo ka dhashay Xeer Nidaamiyaha Xukuumadda ee uu dhawaan soo saaray DAAWO
Hargaysa 10. January 2018 (SDN/QJ):-Garyaqaanka Guud ee Qaranka Cabdi-samad Cumar Maal ayaa Sheegay inuu sax yahay Xeer nidaamiyaha dhismaha wasaaradaha iyo Hay’adaha Xukuumadda ee uu soo saaray dhawaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Kaas oo Xeel dheere Sharci uu ku tilmaamay mid nasaqaya Xeerka Kala Xadaynta nidaamka Xukuumadda.
Xeel dheerayaasha dhanka Sharciga ayaa aaminsan inuu Khalad ku Jiro Xeer nidaamiyahan Isla markaana ay Daruuri tahay Sidii Sixid loogu Samayn lahaa.
Halkan Hoose ka daawo Sharci yaqaanka dhaliilaya Xeerkan uu Madaxweyne Biixi soo saaray iyo Waxyaabaha uu u Cuskanayo.