|

Garyaqaan u Jeellan Inuu La Xidido Madaxweyne Obama Oo Shaaciyey Yarad Xiiso Badan Oo Uu Ka Bixin Doono Gabadh Madaxweynuhu Dhalay

Nairobi:May,25,2015(SDN/QJ)-Garyaqaan  u dhashay waddanka  Keynya, ayaa shaaciyey inuu Madaxweynaha waddanka Maraykanka ka codsan doono inuu uguuriyo  inantiisa Malia Barack Obama oo uu si weyn u jecel yahay.

FLEGaryaqaanka oo lagu maagacaabo Avvocate Felix Kiprono ayaa u sheegay WargeyskaThe Nairobian inuu Madaxweyne Obama la kulmi doono marka uu bisha July booqashada ku yimaado Kenya, si uu ugu bandhigo qorshaha uu ku doonayo inay xidid noqdaan.

Garyaqaanka waxa uu tilmaamay inuu yarad ahaan u bixin doono 50-neef oo lo’ ah, 70-neef oo ido ah iyo 30-neef oo riyo ah haddii laga oggolaado inuu guursado gabadhaasi.

Waxa uu tilmaamay tan iyo markii uu jecaylka u qaaday Malia Obama sannadkii 2008-dii inuu joojiyey inuu la haasaawo haweenka kale.

Xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa sheegay inay diyaar ula yihiin inay ka taageeraan Kharajka guurka, haddii uu Madaxweyne Obama ka oggolaado codsigiisa.

Felix Kiprono waxa uu tilmaamay inuu qorayo Warqadda uu Madaxweyne Obama kaga codsanayo inay Lammaane noqdaan gabadhiisa.

Waxa uu intaasi ku daray inuu warqadiisa u dhiibi doono Danjiraha Maraykanka u joogo Kenya, kana rajeynayo inuu u sii gudbin doono Madaxweyne Obama.

Baaqa Garyaqaankaasi ayaan ahayn markii ugu horreeysay ee ay uu Saxaafadda ku baahiyo inuu doonayo inuu guursado mid ka mid ah labada gabdhood ee uu dhalay Madaxweyne Obama.

Sannadkii 2002-dii, nin Kenyaati ah oo lagu magacaabo Godvin Kipkemoi ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Bill Clinton yarad ahaan u siin doono 4- neef oo Adhi ah iyo 20 neef oo Lo’ ah, si uu u guursado gabadhiisa, Chelsea Clinton

Godwin Kipkemoi, waxa uu qoraal u diray Bill Clinton oo uu u sii marsiiyey Wasaaradda Arrimaha dibedda Kenya, laakiisne wax jawaab ah kama helin.

Sannadkii 2006-dii ayuu Godwin Kipkemoi wxa uu guursaday gabadh ay Kollejka isla dhigan jireen.

Godwin Kipkemoi, uma rumoobin riyadiisa ahayd inuu guursado Chelsea Bill Clinton, wuxuuna geeriyooday sannadkii 2014-kii, kadib, markii uu maroodi ku durduriyey.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed