|

Garsoorka Somaliland Oo Looga Digay Inay Ku Milmaan Xisbiyada, Xilli Shaqaalihii Kale Ee Dawladdu U Ban-baxay Taageerada Xisbiga Kulmiye

Hargaysa 14. September 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa soo saaray Wareegto uu Bahda Garsoorka ugaga digayo inay ku milmaan Siyaasadda Dalka isla-markaana dhex galaan Xisbiyada Qarankan.

Wareegtadan ayaa Guddoomiyuhu wuxuu ku sheeyay inay Mabnuuc tahay in Bahda Garsoorku dhex gasho Siyaasadda, kuna Milmaan Xisbiyada, sidaa darteed Ciddii dhex gasha laga qaadi doono Tallaabo Sharciga Waafaqsan.

Wareegtada uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Guddoomiyaha Guddiga Cadaaladda Somaliland soo saaray ayaa iyadoo dhamaystiran u qornayd sidan “Waxa lala socodsiinayaa dhammaan Guddoomiyeyaasha, Garsooreyaasha iyo dhammaan hawl-wadeenada Garsoorka Dalka inay Mamnuuc ka tahay inay ku milmaan Siyaasadda Xisbiyada qaranka.

Sidaa darteed waxa la idiinka digayaa in aad dhex-gashaan Siyaasadda Xisbiyada Qaranka. Ciddii dhex-gashana in Talaabo sharci ah laga qaadi doono”

Wareegtadan uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare soo saaray ayaa ku soo beegmaysa Maalmo uun ka dib markii Warbaahinta Internet-ka qaarkood baahiyeen Xubno Garsooreyaal lagu sheegay oo ku jeeni-qaaran Calanka Xisbul-xaakimka KULMIYE.

Sidoo kale, Wareegtadan oo muhiim u ah ilaalinta Sumcadda Garsoorka Dalka, ayaa ku soo beegmaysa Xilli Shaqaal-weynaha Dawladda, gaar ahaan Agaasime-waaxeedyo iyo Xubno aanay Siyaasadda iyo Loolanka Xisbiyada shuqul ku lahayn isla-markaana ah Adeegayaal Bulsho, ay u ban-baxeen Ololeyaasha Xisbiyada Qaranka gaar ahaan Xisbiga Kulmiye.

Comments are closed