|

Garsooraha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Oo Loo Diiday Inuu Galo Xarunta Wargeyska HAATUF Oo Muddo 3 Sannadood Ku Dhow U Xayiran Xukuumadda

Hargaysa 10. October 2016 (SDN/QJ):- Garsooraha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Sh. Idiris Axmed Muuse ahna xaakimka ka garnaqaya dacwad ka dhan ah wasaaradda daakhiliga oo uu muduci-na ka yahay Mulkiilaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe, ayey askar booliis ahi iska hortaageen inuu galo xarunta Wargeyskaasi Gelinkii hore ee Shalay, sidaana waxa Wargeyska Himilo u sheegay mid ka mid ah Masuuliyiinta Wargeyska Xayiran ee Haatuf.

Askartaas ayaa is-hortaagooda maxkamadda u cuskaday in aanay madaxdooda ka haysanin amar fasaxaya gelitaanka xarunta Haatuf oo  ay xukuumaddu Awood Ciidan kula wareegtay bishii April 2014-kii.

Dacwaddan oo dhagaysigeedu bilaabmay Isniintii Toddobaadkii hore ayaa Mulkiilaha Wargeysyada Haatuf, The Somaliland Times iyo Al-Haatef Al-carabi Yuusuf Cabdi Gaboobe waxa uu maxkamadda kaga codsaday in hantidiisa laga dulqaado ciidanka ay Xukuumaddu ku wareejisay, isla-markaana ay dawladdu bixiso khasaarihii Maaliyadeed ee ka dhashay talaabadaasi, iyadoo uu ku doodayo in si sharci darro ah loo xayiray xarunta saddexda wargeys oo ku taalla Xaafadda Shacabka ee Magaalada Hargeysa.

Dacwaddan ayaa waxa dhinaca muduciga uga wakiil ah labada qareen ee kala ah Cismaan Askar iyo Xasan Cali Xasan, halka dhinaca Xukuumadda uu matalayo xafiiska qaryaqaanka guud ee Qaranku.

Tan iyo intii uu Madaxwayne Cigaal xilka qabtay iyo ilaa wakhtigan xaadirka ah waa markii 2-aad ee maxkamadaha Somaliland ay ka garnaqaan dacwad magdhaw ah oo ay xukuumadu eedaysane ka tahay,  taas oo la filay inay dareenka bulshada aad u soo jiidato.

 

Wargeyska Haatuf ee lagu qori-jiray luuqadda Soomaaliga ayaa maxkamadu 25/6/2014 ku ridday xukun Maamulka Wargeyska HAATUF sheegtay in Maxkamaddu ku baa’biinaysay ruqsaddii uu Wargeysku ku shaqeyn jiray, waxaana Wakhtigaa Maxkamaddu ku eedaysay Wargeyska Haatuf inuu caadaystay cayda masuuliyiinta Qaranka.

Maxkamadda oo uu xiligaa Guddoominayey Ex-garsoore Asad Nuur ayaa waxa kale oo ay xadhig saddex sanadood iyo afar sanadood kala ah ku xukuntay Mulkiiliha Wargeyska Haatuf  Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tafatirihiisii Axmed Cali Cige.

Inkastoo qaraarka Maxkamadda ee ruqsad kala noqoshada uu khuseeyay Wargeyska Haatuf ee af-soomaaliga ku soo bixi jiray, haddana Xukuumadda Somaliland laga bilaabo April 2014-kii waxay xayirtay labada Wargeysyada The Somaliland Times iyo Al-Haatef Al-carabi oo la Mataanno ah Wargeyska Haatuf ee Af-Soomaaliga ku soo bixi jiray.

Garsooraha Maxkamadda Gobolka Hargeysa ee Shalay loo diiday inuu galo gudaha Xarunta Wargeyska Haatuf, ayaa doonayey inuu eego Xaaladda ay Xaruntu ku sugan yahay, Qalabka yaalla iyo Xaaladdooda, maaddaama oo Mulkiilaha Wargeyska Haatuf uu ku doodayo in Xukuumaddu Mag-dhowdo khasaaraha Hantiyeed ee soo gaadhay Wargeyska Muddada uu Xayiran yahay.

Comments are closed