|

Garowe oo Maanta laga dhigi doono Banaan bax ka dhan ah Dawlada Federaalka

Garowe 28 June, 2015 (SDN/QJ)-Maammulka dawlada hoose ee magalada Garoowe ayaa wada u diyaargarowga in Saaka oo Axad ah magalada lagu qabto bannaanbax looga soo horjeedo ficiladda madaxda Dawladda Federaalka ku dhaqmayeen ee ka hor imaanaya Dastuurka federaalka iyo kii ka  horeeyay ee KMG ah ee dalka.

garoweAmmaanka ayaa si weyn loo adkeeyay, waxana wararku intaas ku darayaan in maanta la xidhi doono wadooyinka waa weyn ee laamiga soo gala magaaladaasi, maadama oo dadweyne fara badan bannaanbaxaan kasoo qayb geli doonaan.

Madaxda dowladda ayaa lagu wadaa inay bananbaxaan kasoo dhex muuqdaan, iyadoona lagu soo bandhigayo sida Puntland u diiddan tahay in lagu xad-gudbo Dastuurka Federaalka ee dalka iyo maammulka sharci darrada ah ee laga dhisayo magaalada Cadaado kaasoo shalay Gudoomiyaha Baarlamaanka ee maammulka gobollada dhexe Cadaado lagu doortay.

Waxana Agaasimaha Arrimaha bulshadda Putland Cabdirashiid Ciise Wayaale oo bannaanbaxan xaqiijiyey, uu sheegay in gelinka hore ee maanta uu dhici doono, dadkuna ay isugu imaanayaan fagaaraha caanka ah ee Barxadda.

Xidhiidhka Maamul-goboleedka Punt land iyo Dawlada Dhexe ee Federaalka Somalia ayaa Mudooyinkii danbe laga dhex arkayay Khilaafyo Xoogan Iyadoo Punt land ay ku doodayso in dawlada dhexe ay ku xadgudbayso Mid-ahaanshaha dhuleed ee maamulkaas,Sidoo kalena ay ka soo horjeedo habka federaalka ee somalia ay qaadatay iyadoo qaadacday Jiritaanka Maamul-goboleedka Galmudug iyo ka Shalay loo wanqalay ee Gobolada dhexe.

Garowe SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed