Garowe oo lasoo gaadhsiyeey Maxaabiis dagaaladii lagu soo qabtey iyo Saxaafada oo madaxtooyada Maanta looga yeedhay
Garowe 22,March,2016(SDN/QJ):- Magaalada Garowe wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in Niskii danbe ee Xalay la soo gaarsiiyey qaar kamid ah maxaabiistii lagu soo qabtay dagaaldii xeebaha Puntland ka dhacay ee u dhexeeyey Ciidamada Dawlada Puntland iyo Al-Shabaab.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Saaka subax saxafada loo soo bandhigayo qaar kamid ah maxaabiistii lagu soo qabtay dagaaladii kadhacay degmooyinka Eyl iyo Mudug gaar ahaana deegaanka Garacad.
Dadkan maxaabiista ah ee Garowe lasoo gaarsiiyey ayaa tiradoodu dhantahay ilaa 30 Maxbuus sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal u ah maxaabiistaas lasoo qabtay.