|

Garowe: Maleeshiyaad Hubaysan oo si Toos ah ula Wareegay Gacan ku haynta Telefishanka Dawlada Punt land

Garowe 05.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wararka laga helayo magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegayo in xarunta TVga  Puntland ee Magaalada Garoowe  ay la wareegeen maleeshiyo hubeeysan oo xoog ku galay xafiisyada xarunta TVga .

tvKooxda Hubaysan ee maanta la wareegay TVga Punt-land, ayaa ku amray shaqaalaha TVga in ay isaga dareeraan xarunta.

Qaar ka mid ah shaqaalaha TVga  ayaa sheegay in arrintaan ay ku lug leeyihiin Saraakil xil ka qaadis lagu sameeyay,  balse waxaa la xaqiijiyey in uusan arrinkaan ku lug laheyn madixii TV-ga axmed Maxamed Cali oo shalay xilka laga qaaday.

Ciidankaan la wareegay xarunta TV-g ayaa la sheegay in ay ku Labisan yihiin Dhar iskugu jira Tuute iyo Shibil. waxaana billawday waanwaan ay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Garowe ku doonayaan in arrintaan lagu xalliyo.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Punt-land oo ku aadan kooxdaan hubaysan ee la wareegtay xarunta TVga.

Garowe SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed