|

” Garoowe wax heshiis ah kama dhicin,madashaas-na heshiis looguma tala-galin” Xasan Sheekh

Muqdisho 10.May 2015 (SSDN/QJ)- Madaxweynaha dowladda  Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad u sheegay inan wax heshiis ah lugu gaarin Garoowe dhawaan.

Madaxweyne-Xasan-Sheekh-Maxamuud-00Shir socday sadddex maalin ayaa magaalada Garoowe dhawaan waxaa ku yeeshay madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamullada dalkiisa,waxuuna sheegay madaxweyne Xasan kulamada inaysan ahayn kuwo loogu tala-galay inuu heshiis ka soo baxo.

“Garoowe heshiis la saxiixay ma jiro,waxaa Garoowe ka soo baxay waxuu ahaa war-murtiyeed,madashaasna looguma tala-galin inay heshiis gasho oo wax lakala saxiixdo,”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waxuu sheegay xasan sheekh isagoo farriin cod ah warbaahinta u mariyey shacabkiisa markii u horaysay shirkii Garoowe inuu la mid ahaa mid horay Muqdisho uga dhacay oo si lamid ah qoraal un ku koobna,waxuuna inta ku daray inan loogu tala-galin in madaxweynaha iyo madaxweynayaasha kale ay heshiis gaaran.

“Looguma tala-galin in madaxweynayaasha heshiis gaaran,anniga doorkayka doorka ma aha,iyagana doorkooda ma aha,dalka xukuumad faderaalk ah iyo mid heer gobol ah buu leeyahay,waxii jirana wasaaradaha ku shaqada leh baa kala saxiiisan kara,”ayuu ku daray hadalkiisa madaxweynaha.

Shirkii Garoowe waxuu ku macneeyay inuu ahaa mid looga hadlay arrimaha qaran oo an lugu soo hadal qaadin arrimo quseeya maamullada dalka iyo mid cidgaar ahba quseysa.

Ugu dambeyn,madaxweynaha ayaa tilmaamay dhammaan qodobadii ka soo baxay shirka inay ahaayeen kuwo war-murtiyeed ah oo an loo qaadan doonin qodobada inay yihiin kuwo lugu heshiiyay

Hadalkan ayaa nuxur ahaan noqonaya mid xasan sheekh uga gol lahaa jawaab ku aaddan masuuliyiinta maamulka puntland ee soomaaliyeed kuwaas oo gurigooda kulanku ka dhacay, maalinimadii shalayna warbaas garoowe lagu gaaray uu burburay arintaasoo ay ku macneeyeen ka dib markaan lagala tashan guddiyo baarlamaanka soomaaliya ansixiya oo dhamaystiraya xuduudaha maamul goboleedyada iyo dastuurka

Heshiiska garoowe waxa uu ahaa talo bixin ah sidii maamul goboleedtada ciidan loogu samayn lahaa iyo sidii loo qaybsan lahaa khayraadka dabiiciga sida uu hadalka u dhignaa

Comments are closed