|

Garnaqsiga Siyaasiga Fu’aad Aadan Cade iyo Tabashooyin Soo Jiitamay oo Garawshiiyo u Baahnaa DAAWO

Hargaysa 13.Aug 2014 (SDN/QJ)- Siyaasiga Fu’aad Aadan Cade oo haatan ku Magacawnaa la Taliyaha Madaxweyne Siilaanyo ee Gobolada bari ee Somaliland ayaa Mudooyinkan danbe hadal hayn ku saabsan inuu u talaabayo dhinaca Punt land ay soo baxaysay inkastoo uu Mudane Fu’aad aanu si cad u sheegin sababaha uu uga Quustay Xukuumada Somaliland.

Hasa Yeeshee Fu’aad Aadan Cade oo lagu yaqaan inaanu la gaban Badheedhihiisa iyo Tabasho kasta oo ay tirsanayaan Beesha uu ka soo Jeedo ee Dhul bahante ayaa Marar kala duwan ka hadlay Sida ay beel ahaan ka aradanĀ  yihiin Manaasiibta Sare ee Jaangooynta Siyaasada Somaliland Somaliland Sida Madaxweynaha,Madax weyne ku Xigeenka,Gudoomiyaha Guurtida,Gudoomiyaha Wakiilada,Gudoomiyaha Maxkamada Sare,Kuwaas oo ay dhamaantood marka laga reebo Madaxweyne ku xigeenka ay qaateen Beesha Dhexe oo ah Isaaq.

Siyaasi Fu’aad Waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in Xuquuqdii Beesha Dhul bahante ay kaga Maqan tahay Beesha Kale ee Isaaq oo uu Xusay inaanay Cid kale Waxba u ogolayn.

Waxaa kale oo uu Cadeeyay Fu’aad Aadan Cade in la aasayo Taariikhdii Gumaysi diid ee Daraawiish taas badalkeedana la soo noolaynayo ta Ururka SNM,Isagoo intaas raaciyay inay haboonayd in labada Taariikhood Sidooda loo Sheego Waxaa kale oo uu Ka Gilgishay Barnaamij ka baxay Idaacada Dawladu Maamusho ee Radio Hargaysa.

Doodaha Garnaqsiga ah ee Siyaasiga Fu’aad aadan Cade uu arrimahaas kaga hadlay ayaa mid ka mid ah aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa.

Comments are closed