|

Garabyada Dumarka iyo Dhalinyarada Dalada Mucaaridka Jabuuti oo isu soo xayo ku qabtay caasimada Jabuuti

Jabuuti Aug 18,2015(SDN/QJ)-Waxamagaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti maalinimadii Isniinta ka dhacay isu soo baxyo balaaran oo ay halkaa ku qabteen garabyada Haweenkaiyo Dhalinyarada ee dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN.

Isu soo baxyada oo ahaa qaar selmi ah ayaa lagu dalbanyay in dawlada Jabuuti hirgeliso heshiiskii ay la gashay mucaaaridka USN. Sidoo kale isu soo baxayaasha ayaa ku dhawaaqayay hadalo ka dhan ahaa hab dhaqanka xukuumada Ismaciil Cumar Geelle ee baal marsan dimuqraadiyada.

Dalka Jabuuti ayaa intii ka danbeysay doorashooyinkii Baarlmaanka ka dib waxa hareeyay xiisad siyaasadeed oo salka ku heysa ku shubashadii dawlada. Sidoo kale dalka ayaa waxa hareeyay dodo siyaasadeed ka dib kolkii uu madaxweynaha Jabuuti si badheedha u baal maray heshiisyo uu lagalay mucaaridka dalkaasi.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale aaney beryahan danbe isku wanaagsaneyn dawladaha Khaliijka iyo reer Galbeedka. Waxaana ay taasi derder gelisay bilihii u danbeeyay sii xoogeysiga dalada Mucaaridka Jabuuti oo madaxdoodu haatan gaalaa baxayaan wadamada reer Yurub qaar ka mid ah.

SDN/QJ-Jabuuti

contact@qurbejoog.com

Comments are closed