Garabkii ka cadhooday Shirkii Golaha dhexe ee Kulmiye oo Beeniyay Inay wadahadal la Fureen Hogaanka Xisbigaas
Hargaysa 02.March 2016 (SDN/QJ):-Afhayeenka Garabka Isbahaysiga Dimuqraadiyad doonka Kulmiye Xuseen Axmed Caydiid ayaa ganafka ku dhuftay warar sheegaya in garabkaasi ay wadahadal la fureen Hogaanka xisbiga Kulmiye oo ay ka cadhoodeen shirkii golaha dhexe ee sanadkii hore.
Xuseen Axmed Caydiid waxaa uu sheegay inay jirto shirar ay la galeen Xisbiga Ucid islamarkaana ay ku biirayaan xisbiga ay ku arkaan qorshe lagu hogaaminayo shacabka laguna dhaqmayo xeerarka u yaala axsaabta qaranka.
Xuseen waxaa uu carabka ku adkeeyay inay wali haystaan go’aankii ay kaga tageen Xisbiga Kulmiye waxaanu yiddhi“Hadaanu nahay Garabka isbahaysiga dimuqraadiyad doonka ee xisbiga Kulmiye,mabaadiidii xisbiga lahaa ee uu ku socday ayaa la jabiyey oo aad ogeydeen inaanu saluugnay,haday tahay wadatashigii xisbigu lahaan jiray, haday tahay ku dhaqankii xeerarka oo talaabo kasta iyo arinkasta oo la qaadayo loo eegayo shuruucda xisbigu waxay ka qabto, waxyaabahaasi aanu ku saluugnay oo aanu ilaa iyo imika ku maqanahay ma hayno meel lagu saxay.
Afhayeenka garabka isbahayssiga Kulmiye waxaa uu ka jawaabay su’aal laga waydiiyey siyaasiyiin wadahadal la furay xukuumada oo sheegay inay matalayaan Garabkaasi
“Haday rag isbahaysiga ka mida cid is arkeen, markaa raga qaar ka mid ahna waxay is arkayaan UCID iyo WADDANI oo hawlaa socda, taladaba waala iskula soo noqonayaa,halkii umada laga hogaamin karo ayay talo noqon doontaa”ayuu yidhi waxaana uu intaasi ku ladhay oo uu yidhi“Raggu (Isbahaysigu)yeeli maayo iyadoo aad ogeydeeb wixii la khalday in sidii xoolaha la iska kayo soo xareeyo”
Xuseen Axmed Caydiid waxaa iftiimiyey inay wadahadalo u fureen Xisbiyada Somaliland waxaanu yidhi“Ucid waanu kulanay,wadahadaladii Guddi ayaa loo saaray, wali may bilaabmin oo guddoomiyihii ayaa Jabuuti tagay, Guddoomiyaha xisbiga Waddani xalay waxaan ku wargeliyey inuu soo qabsado wakhtiga aanu qaabilayno oo wiigan gudihiisa inay bilaabanto ayaa laga yaabaa”