Garabkii Jamaal Cali Xuseen ee Lagaga Lib Roonaaday Xisbiga Ucid oo Shaaciyey Wada hadal ay la fureen Labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani & Su’aal ka taagan Sababta Jamaal Ku Ogolaaday Xisbiga Kulmiye oo uu Ku Eedayn Jiray Khilaafkii Ucid
Hargaysa 15. November 2016 (SDN/QJ):-Garabka uu hoggaaminaayo Jamaal Cali Xuseen ee Xisbiga UCID ayaa wadahadal rasmi ah la furay xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI sida uu bartiisa Facebook-ga ku faafiyay Mohamed Gacayte oo ka tirsan masuuliyiinta xisbiga UCID ee garabka Jamaal Cali Xuseen Isla Markaana ah Xoghaynta gaarka ah ee Jamaal Cali Xuseen ayaa Qoraalkiisu u dhignaa Sidan:-
“Garabka aqlabiyada Xisbiga Ucid ee uu hogaaminayo Musharax Jamal Ali Hussein ayaa wada hadalo hordhac ah la furay Labada Xisbi ee WADDANI IYO KULMIYE, Maadaama waxa na horyaala ay yihiin labadan Xisbi oo kaliya, waxa khasab nagu ah inaanu qolo walba eegno qorshahooda, Cidna uma xidhnin balse kii aanu u aragno in dantu ku jirto ayaanu xoojin doonaa kadib markaanu la tashano masuuliyiinta iyo dhamaan taageerayaasha gudaha iyo dibadaba ee garabka Jamal Cali Xuseen. Ilaa imika ma jiro cid aanu si gaara ah wax ula wadnaa wararka suuquna waa dacaayadahii awalba jiray waxna kama jiraan.
Runtii Wada hadaladu way ka culusaanayaan sidii hore waayo Xisbi dhan ayaanu nahay oo leh Xildhibaanadiisii Golayaasha deegaanka dalka ilaa dhowr iyo sodon ay ku jiraan Maayarada ugu badan dalka iyo Xildhibaanadiisii baarlamaanka Labada sidoo kale cudud iyo taageerayaal dalka iyo dibadaba ah loo dhan yahay. Isbadal ayaanu dalkan la doonaynay balse waxa nalagu qaaday dagaal siyaasadeed oo awoodkii xukuumada iyo sharcigiiba naloo adeegsaday shacabkii somaliland ay ka aamuseen dulmiga iyo cadaalad darada dhacday ee aan la doonayn wax Isbadal oo dalka ka dhaca.
Talaabada aanu qaadi doonaa waxaanu rajaynaynaa inay noqoto mid badbaadisa somaliland “.
Dhinaca Kale Waxaa Xoog loo Saadaalinayaa in Jamaal iyo Garabkiisu ay ku biiri doonaan Xisbiga Kulmiye oo uu in badan ku eedayn Jiray inuu dabada ka riixayo Khilaafkii ka Dhex taagna Xisbigiisii Ucid Waxayna Tani u Muuqan doontaa in Jamaal Cali Xuseen Magdhow laga siiyo Dhaqaalihii uu ku waayay Xisbiga Ucid.