Garabkii Isbahaysiga Kulmiye Oo Ka Hadlay Kulan Dhexmaray Faysal Cali Waraabe DAAWO
Hargaysa 20.Feb 2016 (SDN/QJ):- Afhayeenka isbahaysiga xisbiga kulmiye Xuseen Axmed Caydiid, ayaa xaqiijiyay wadahadal u furmay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng faysal Cali Waraabe waxaanu sheegay in uu kulankani ahaa mid hordhac ah oo ay u balameen in ay sii socdaan wadahadaladu.
Afhayeenka oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Waxaan halkan ku caddaynayaa inuu kulan na dhexmaray anigoo ah isbahaysiga Kulmiye iyo xisbiga Ucid oo guddi ka tirsan isbahaysiga dimuqraadiga Kulmiye ay is arkeen Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, kulankaasi wuxuu ahaa kulankii ugu horreeyay, wuxuu ahaa kulan uu gudoomiyuhu ku soo bandhigayay halka uu ka taagan yahay garabkan isbahaysiga dimuqraadiga Kulmiye iyo inuu ku soo biiro xisbiga Ucid.”Ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid
Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu garabkan ku biiri doono meesha uu arkayo in umadda lagu badbaadin karo” Garabkanin wuxuu ahaa Gudid ka tirsan xisbahaysiga Kulmiye oo ay gudoomiyaha igu daceeyeen inay u furantahay in xisbigiisa iyo xisbiyadda kale la kulmaan iyo halkii ay is leeyihiin umadda waxba looga tari kara mustaqbalka ay ku biiraan.” Ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid