Garabka Taabacsan Maxamed Biixi Iyo Samaale Oo Munaasibad Qabsaday,Ujeedada Ay Xambaarsanayd Iyo Talooyin ay Soo Jeediyeen
Hargaysa 17,Oct 2015 (SDN/QJ)-Garabka taabacsan musharraxnimada Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Sammaale iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Kijandhe, ayaa maanta munaasibad ay ku muujinayeen mawaqfkooda ku qabsaday magaalada Hargeysa.
Guddoomiye xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo halkaasi ka hadlay, waxa uu yidhi “Waxaa maanta sharaf ii ah inaan la hadlayo waxgaradkii, nin garabeedkii, labeentii Somaliland, xisbiga Kulmiye golihiisii dhexe intii badnayd, golihii fulinta, wasiiro, xildhibaanno, iyadoonay degaan ahayn oo aanay beel ahayn ee ay tahay madal Somaliland isku aragtay oo ay ku bahowday oo taageerayaasha Kulmiye si awood leh oo laxaad leh ay kaga soo qayb galaan iyagoo taageeraya musharaxiintoo kala ah Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe.” ayuu yidhi CabdiraxmaanTalyanle.
Agaasimaha maamulka iyo xisaabaadka ee komishanka la dagaalanka ADIS-ka Cabdirkariim Axmed Maxamed ayaa sheegay in shirka golaha dhexe qabanqaabadiisa ay leeyihiin shirguddoonka golaha dhexe balse hadda aanu jirin shirguddoon golaha dhexe, waxaanu meesha ka saaray in Jaamac Shabeel yahay Guddoomiyaha golaha dhexe maadaama wakhti hore xilku ka dhammaaday.
Cabdikariin Xinif waxa uu soo bandhigay afar qodob oo Garabkoodu u arkaan xalka khilaafka KULMIYE, kuwaas oo kala ah sidan:-
“Talo soo jeedintayada waxay tahay oo aanu xal u aragnaa afartan qodob:
1. In la joojiyo hawlaha imika sida khaldan u socda ee cid gaari si gaar ah u maamulanayso ee la xidhiidha shirka een la isla ogolayn; sida kaadhadh samaynta iyo buuxinta jagooyinka bannaanaaday ee aan la isla ogolayn, xal baanu aragnaa garna waanu u aragnaa.
2. In la helo guddi dhexdhexaad ah oo hawlaha shirka golaha dhexe maamusha;
3. In la abuuro jawi keeni kara kalsooni iyo niyadsami lagu tartamo, taas oo ay ka dhalanayso in musharaxa si xalaal ah ugu guulaysta lagu hambalyeeyo laguna gacan qaado, kadibna loogu midoobo sidii soo saaristiisa loo fulin lahaa;
4. In laga fogaado in la isku colaadsado fikirka iyo kala duwanaanshaha aragtiyaha ee musharaxiinta dhexdooda iyo xubnaha kale ee golaha waa la isku colaadsaday oo waa taas saakaba Baybayada la isku adeegsadaye, yaan la isku colaadsan artida xisbiga dhexdiisa.” ayuu yidhi Cabdikariim Xinif.