Garabka Labaad ee Madaxweyne Siilaanyo siiyey Qayb ka Mid ah Dhulka Tiyaatarka oo Soo Bandhigay Qoraaladii Sharci ee Dhulkaas lagu siiyey DAAWO
Hargaysa 4. February,2016(SDN/QJ):- Garabka kale ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo siisay Qayb ka Mid ah Dhulka Tiyaatarkii hore ee Caasimadda Hargaysa ee uu Maalgashaday Ganacsade Cumar Caydiid oo Maanta Warbaahinta la hadlay ayaa soo bandhigay Sharciyadda loo siiyey dhulkaasi.
Salaadiintan oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa si hufan u faahfaahiyey nidaamkii dhulkan loogu wareejiyey, waxana ay tilmaameen sifo sharciga waafaqsan uu madaxweynuhu ugu wareejiyey, isla-markaana aanay wax dheeri ah doonaynin.
Ugu horrayn Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan Xasan oo kamid ah xubnaha dhulkaas la mulki siiyey, ayaa faahfaahiyey cabirka dhulka Ganacsadaha la siiyey iyo koodaba, waxana uu tilmaamay inaanay caq cid kale leedahay doonaynin, “waxanu halkan iskugu nimi hafar dusha nala saaray oo aanaan qabin, horena waxa loo yidhi Doqoni hafriinyo iskama rogto, aniga iyo suldaan good waxanu nahay labada suldaan ee sifashada sharciga ah lagu siiyey dhul ku dhaw aqalka tiyaatarka, tiyaatarka intii Cumar Caydiid la siiyey ciddii ku qabsataa annagaaba kasoo horjeedna, laakiin wixii aanu lahayn heli maayo, cumarna waxan leeyahay madaxweynaha qaranka ayaa hanti umaddu leedahay ku siiyey, madaxweynihii ka horreeyeyna waxba kumuu siinin oo wuxuu ku yidhi 15-sano ayaa lagaa kiraynayaa, markii dawladdii Rayaale baxday ayaad waraaqo been abuur ah samaysay oo aad tidhi 30-sano halla iiga dhigo, raggii ku dedaalayna waadiga maanta aflegaadaysay, hoolkuna kiro ayuu kuugu qoran yahay, meesha lagu siiyeyna waa meesha fooqa aad ka dhistay oo 1452m oo iskuweer ah baa lagu siiyey, anigana dhulka la I siiyey cabirkiisu waa 20x85m.”ayuu yidhi Suldaan Saleebaan.
Suldaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa si cad u sheegay inuu kala duwan yahay dhulka ganacsadaha la siiyey iyo midka salaadiinta la siiyey, waxana uu tilmaamay in guddiyo badan oo arrintaas hubsiimo ahaan loogu saaray caddeeyeen taas, waxana uu yidhi,“annaga iyo beel kale isma haysanno, wax qof kale leeyahayna dooni mayno, wixii nala siiyey in nalagu xag-xagtaana waa Ayaan darro, walaalkayga ku doodaya inay meeshu Parking ugu wanaagsan tahayow anigana Dhismay iigu wanaagsan tahay, ragga leh madaxweynaha goob kaliya laba nin siiyayow meel baad ka dhacdeen goobta la isiiyey iyo midda Cumar caydiid-na waddaa u dhaxaysa oo isuma dhawa, horena shan guddi oo ay ku jireen Engineerro Hawlaha guud ka socday baa arrintan loogu saaray oo dhammaantood soo caddeeyey inay labada goobood kala duwan yihiin oo aanay isku dhaweyn, go’aamadaasna madaxweynahaa dib loogu celiyey oo ku qancay.”
Suldaanku waxa uu sheegay inuu ganacsade Cumar Caydiid u hoggaansami waayey warqaddii uu dhulkaas kaga guurayey oo muddadii loo qabtay la gaadhay,“waxa soo baxday inuu ganacsade Cumar Caydiid dhistay dhul ka baxsay kii Madaxweynuhu siiyey oo ay kamid tahay dhulka Carwada Jajabka eegaya ee uu fooqa ka taagay, waxana uu halkii laga kireeyey ka dhigay Maqsin kamid ah aqalka uu meesha ka dhistay, markii ugu dambaysay ee fulinta la qorayeyna waa loo yeedhay oo ka bax baa lagu yidhi adigu meesha ma lihide, balse umuu hoggaansamin oo markay muddadii dhammaad ku dhaweyd ayuu qaylo cusub keenay.”ayuu yidhi Suldaan Saleebaan.
Suldaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Aw Good oo isaguna goobtaas ka hadlay, ayaa tilmaamay inaanu jirin cid ka baxsan labadaas suldaan oo goobtaas madaxweynuhu siiyey, waxana uu xusay inuu ganacsade Cumar Caydiid dhisme ka samaysteen goobihii Parking-ka dhismaha loogu talo galay,“waxan caddaynayaa in dhulkaas madaxweynuhu siiyey aniga iyo Suldaan Saleebaan, mana jiro cid kale oo wasiirro am acid kale ah oo dhulkaas ku lug lihi, waana been wararka la sheegayaa, dhulkaasna warqadaha cumar Caydiid u qoran waxa ay ka socotaa wasiirka hawlaha guud, waxana ku qoran inuu sharciga kiraynta tixgeliyo, waxana la siiyey dhulka Hoolka tiyaatarka Dhinaca Koonfureed ka xiga, waana dhulkii Parking-ka ahaa, laakiin kan uu ku doodayo ma aha oo wuu ka baxsan yahay,urunta iyo abaaulka la sameeyey ee goobtaas ka dhacayna waa kii Afraad, waxana aan cumar leeyahay ilaahay ka baq oo wax badan baad haysataaye arag. Dadka wax abaabulayana waxan leeyahay naga daaya abaabulka reeraysan joojiya, arrintani waa sharci dawladdii bixisay ay joogtee.”ayuu yidhi Suldaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Aw Good.
Madax-dhaqameed Tiro badan oo iyaguna halkaas ka hadlay oo ay kamid ahaayeen, Maxamed Xasan Diirey, Dakharre Xaaji Cabdi Dhuule. Caaqil Cumar Aw Xasan Xujaale iyo Oday Maxamed Cabdi Diiriye, ayaa si isku mid ah u caddeeyey in labadaas suldaan dhulkaas sifo sharci ah u mareen, isla-markaana aanay diyaar u ahayn wax fidno ah oo halkaas ka dhacda.