|

Garabka Faysal Oo Rafcaan Ka Qaadanaya Go’aannadii Guddida Diwaangelinta Ururrada Iyo Khilaafka UCID Oo U Gudbaya Maxkamadda Sare 

Hargaysa 15.Aug 2016 (SDN/QJ):- Garabka Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa caddeeyay in aanay ku qanacsanayn Go’aannadii Guddida Diwaangelinta ururrada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranku ka soo saareen Khilaafkii u dhexeeyay Garabkooda iyo Garabka Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaas Jamaal Cali Xuseen, sidaa daraadeedna Go’aansadeen inay Maxkamdda Sare u gudbiyaan rafcaan ka dhan ah Go’aankii Guddida Diwaangelinta Ururrada, kaasi oo nuxurkiisu ahaa in la qabto Shirweyne Ergooyinkiisa loo siman yahay.

Guusha uu Garab kastaa Dhankiisa u Tirsaday

               Photo File:Guusha uu Garab kastaa Dhankiisa u Tirsaday

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed uu Shalay Hargeysa ka soo saaray Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Kaysa Cabdillaahi, kaasi oo u qornaa sidan:-

  1. Sida lala wada socdo waxa Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka ay soo saartay 21/07/2016 go’aan maamul. Go’aankaas oo ay ku ayiday dooddii guddoomiyaha Xisbigga UCID ee ahayd in is-afgaradka ku taariikhaysan 12/7/2012 ee ay wada galeen gudoomiyaha Xisbiga UCID iyo Jamaal Cali Xuseen uu yahay mid aan dhamaystirnayn oo ay tahay in loo gudbiyo Shirwaynaha Xisbiga UCID si uu uga go’aan gaadho is-afgaradkaas iyo wixii ka dhashayba. Waxaase Guddidu ay faro-gelisay qaabka ay tahay in loo qabto Shirwaynaha iyada oo ay jiraan xeerar si cad u tilmaamaya qaabka loo maamulo, loona qaban qaabiyo shirwaynaha Xisbiga UCID.

2.Hadaba, Hoggaanka Xisbiga UCID iyo Golaha Fulintu iyaga oo la tashaday xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga isla-markaana si dhow u dersay Xeerka Xisbiga iyo Xeerka Nidaamka Ururuada iyo Asxaabta, Xeer Lr. 14/2001 waxaay go’aansadeen in dacwad loo gudbiyo Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo awood u leh.

3.Sidaa darteed, waxay (Shalay) qareenada guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID ay gudbiyeen rafcaan ka dhan ah Go’aanka Guddida.

4.Sidaas awgeed, waxaanu la socodsiinaynaa shacab waynaha Somaliland, xubnaha Xisbiga iyo taageerayaasha xisbiga in mar walba ay waajib tahay in la raaco Xeerka Xisbiga islamarkaana hogaanka Xisbigu uu qaadayo talaabo kasta oo sharci ah oo uu ku hubinayo in loo hogaansamo shuruucda Xisbiga iyo xeerarka dalka. Mar walbana ay saraynta leeyiihin Xeerka Xisbiga iyo xeerarka dalku ayna yihiin waxa keliya ee lagu dhaqmayo.”

Xoghayaha War-Faafinta Xisbiga UCID

Md: Yusuf Kayse Cabdi-Laahi

Comments are closed