|

“Garabka dhalinyarada Ee Heer Qaran Xisbiga Waddani Waxay U Arkaan Is Casilaadii Uu Is Casilay Gudoomiyihii Hore Ee Garabka Dhalinyarada Maxamuud Cabdilaahi Gaagaab in ay Tahay Wax iska Caadiya’’ Xoghaya Dhallinyarada Xisbiga Waddani Cabdifataax Siciid Axmed.

waddHargeysa,17july,2015(QJ/SDN)-Garabka dhalinyaradda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,ayaa markii ugu horraysay ka hadlay xubno uu ku jiro Gudoomiyahoodii oo dhawaan iska casilay Xisbiga.

Waxayna sheegeen in is-casilaadda Gudoomiyahoodii tahay wax iska caadi ah,isla markaana ka mid ah Sunnaha Dimuqraadiyadda.

Qoraal kooban oo soo saaray Xogahayaha guud ee garabka dhalinayaradda heer qaran ee Xisbiga WADDANI oo uu nuqul ka mid ah soo gaadhay Shabakadda Qurbejoog.com ,ayaa u dhignaa sidan:

“Garabka dhalinyarada ee heer qaran ee xisbiga waddani waxay u arkaan is casilaadii uu is casilay gudoomiyihii hore ee garabka dhalinyarada Maxamuud Cabdilaahi Gaagaab in ay tahay wax iska caadiya dastuurka xisbiga iyo xeerhoosaadka garabka dhalinyaraduna waxaa uu qabaa in uu qofku iscasilikaro dann-guud iyo mid isaga ugaaraba.

Sida ku xusan xeer hoosaadka garabka dhalinyarada ee heer qaran ee xisbiga waddani farqadiisa 23aad hadii uu guudoomiyuhu iscasilo waxaa si ku meel gaadha u sii qabanaya xilkiisii gudoomiye kuxigeenka kowaad Eng Zaynab Cabdi Cali inta uu gudoomiyaha xisbigu soo buuxinayo jagada banaanatay.

anigoo ah xogahayihii guud ee garabka dhalinyarada ee heer qaran in shaqadii iyo hawl maalmeedkii garabka dhalinyarada sideedii iyo si kafiican u shaqaynayaan maxamuud na uu ka ahaa shaqsi kaliya”.

Xoghayaha guud ee garabka dhalinyarada ee xisbiga Waddani heer qaran.

Cabdifataax Siciid Axmed

Comments are closed