Garab uu Hogaamiyo Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Kooxda Khaatumo oo Ka Hor Yimid Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Somaliland & Baaq ay Bulshada u direen DAAWO
Buuhoodle 19.Aug 2016 (SDN/QJ):- Garab la Baxay Badbaado Qaran oo ka tirsan Kooxda Khaatumo kana soo Hor jeeda Wada Hadalka uu Prof Cali Khaliif Galaydh la Furay Somaliland ayaa Baaq u diray Bulshada ku dhaqan Deegaamadooda.
Garabkan isku Magacaabay Badbaado Qaran Waxaa Hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kooxda Khaatumo Waxaanay Sheegeen inay ka soo hor jeedaan in Somaliland ka samayso deegaanada ay ka taliyaan Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Gobolada Sool Iyo Buuhoodle ka qabsoomi doonta Todobaadkan Beri bilaabmaya. https://www.youtube.com/watch?v=0_tBb2jCWWQ