|

Garab ka tirsan Ururka Al-shabaab Oo Sheegay Inay Ku Biireen Dowladda Islaamka (DAACISH)


Gal-gala,23Oct,2015(QJ/SDN)-
Garab ka tirsan ururka Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay daacad u noqonayaan khilaafada islaamiga ah ee Daacish (ISIS), taasoo ka dhigaysa kooxdan tii ugu horreysay ee Soomaaliya ka socota ee si cad u sheegta inay ku biirayaan Daacish.

Kooxdan waxa saldhiggeedu yahay buuraha Galgala ee maamul-goboleedka Puntland ee woqooyi bari Soomaaliya. Kooxdu waxay u muuqataa inay yar tahay hadda waxaana madax u ah sheekh Cabdiqaadir Muumin, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha diineed ee Dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab.

Dowladda islaamiga ah (ISIS), waxay dhowaantan si caddaan ah u qalqaalsanayeen jihaad-doonka Soomaaliya , iyagoo xataa iskudeyaya inay u adeegsadaan kooxda xidhiidhku kala dhexeeyo ee galbeedka Afrika ee Boko Haram inay sidaas oo kale sameeyaan.

Al-shabaab qudheeda waxaa xidhiidh kala dhexeeyaa kooxda loollanku kala dhexeeyo kooxda Daacish ee ururka Al-Qaacida, waxaana hoggaamiyeyaasha Al-shabaab ay isku khilaafeen arrintan iyagoo xidhxidhay xubno lagu tuhunsan yahay inay iskudeyayeen inay goostaan.

Ugu dameyntii, waxaa cad inay aqoonsan yihiin codsiga kooxda dowladda Islaamiga ah, taasoo saameyn karta awooddooda ay dad ku qortaan ayna sii ahaadaan halis weyn. Koohan oo dhan waxay dagaal kula jiraan inta badan dowladaha reer galbeedka iyo xulafadooda.

 

 

Comments are closed