|

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo lagu soo Dhaweeyay Degmada Xuddun (DAAWO SAWIRRADA)

Xuddun,19Aug,2015(QJ/SDN)-Garaad Saleebaan Garaad Max’ed Garaad Maxamuud oo ka mid ah Garaadada Gobollada Sool iyo Sanaag ayaa galinkii dambe ee shalay si weyn loogu soo dhaweeyay Degmada Xuddun oo Qiyaastii 83-km dhinaca Waqooyi kaga aadan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Dulleedaka Dagmada Xuddun ayaa dadwayne badan kaga Hortageen Garaadka; iyadoo soo dhawaynta kaddib Garaad loo Galbiyay Gudaha Degmada halkaasoo uu uga mahad-celiyay dadkii soo dhaweeya.

 GARAAD 2 

Odayaasha iyo Wax-garadka Dagmada ayaa qaybo ka mid ah halkaas hadallo ka jeediyay, waxayna sheegeen inay si weyn Garaadka uga mahad-celinayaan isku howlidda Xallinta Khilaafaadka dadka deegaanka.

 GARAAD 3

Sidoo kale, Caaqil Maxamuud Askar Xasan oo goobta hadal ka jeediay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo garaadka; isla mrkaan ay ku faraxasan yihiin imaatinka degmada Xuddun, ayna ahayd arrin loo baahnaa oo ay muddo dadku sugayeen.

 GARAAD 4

Booqashada Garaadka ayaa salka ku haysa soo af-garayo shaqaaqooyin dhex-maray dadka deegaankaas oo muddo ka hor la billaabay in khilaafkaas xal laga gaadho.

 GARAAD1

Ugu dambeyn, Waxaa la Saadaalinayaa oo in Muddada soo Socta la Sugayo in Degmada Xuddun ay isugu yimaadaan Cuqaasha degmooyinka Laascaanood, Taleex iyo Ceeri-gaabo si loogu hawlgalo xallinta khilaafaad ka dhex aloosan Qaar ka mid ah dadka deegaanadaas wada-dega.

 

 

Comments are closed