Garaad Reer SOOL Ah Oo Ka Hadlay Rag Ciidammada RRU-du Ka Soo Qabteen Laascaanood Oo Hargeysa Ku Xidhan
Laascaanood 15.October 2016 (SDN/QJ):- Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Beesha Dhulbahante ee Gobolka Sool, ayaa ka hadlay Dad Shacab ah oo laba Toddobaad ka hor Ciidammada RRU-du ka soo qab-qabteen Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
Garaadka oo ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Laascaanood, ayaa Xukuumadda ugu baaqay in Dadka laga xidh-xidhay Laascaanood oo la geeyay Magaalada Hargeysa dib loogu celiyo Laascaanood isla-markaana halkaa lagu qaado Kiisaska loo haysto.
“Waxaanu ku ballannay (Xukuumadda) in Dadka la xidh-xidhay wixii dambi leh la keeno Laascaanood oo lagu caddeeyo Dambiga loo haysto Dadka hortooda, oo aan la qarin, wixii aan dambi lahayna la siidaayo.” Ayuu yidhi, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, waxaanu intaa ku daray, “Isku Heli mayno (Reer Sooloow) inaynu nidhaahno Masaajidda aynu ka kacno ama aynu Qoryaheenna qaadanno iyo marka la yidhaahdo Cid-baa la qabtay inaynu qaylinno. Innagu waxaynu doonaynaa in Ninkii la qabto Dambigiisa la inoo caddeeyo, laakiin Nin la iska hayn karaa ma jiro.”
Garaadku wuxuu sheegay in Shacabka Laascaanood Mudaharaadi doonaan haddaan Ragga Ciidammada RRU-du ka xidh-xidheen Laascaanood oo Hargeysa ku xidhan aan dib loogu celin Laascaanood, “Haddii Raggaa la keeni waayo dhammaan Shacabku waa inay isku yimaaddaan oo ay ka hadlaan oo loo Mudaharaadaa.”ayuu yidhi.
Ragga Ciidammada RRU-du ka soo xidheen Laascaanood, ayaa waxa ka mid ah Nin Macalin ka ah Dugsi ku yaalla Magaalada Laascaanood, kaasi oo Magaciisa lagu sheegay Mustafe Cali Faarax.
Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo Toddobaadkan ka hadlay Xadhigga Ninkaasi, ayaa sheegay, “Waxaa jirta Carruur yar yar oo naf ahaan iyo jidh ahaanba diifaysan oo dar-xumo badani ka muuqato oo meel lagu hayay oo lagu tacadiyay noloshooda, arrintaas ayaa loo soo xidhay (Macalinka). Baadhistiisuna way socotaa oo Ciidanka dambi-baadhista ayaana gacanta ku haya, markaa ninkaa kiiskiisu baadhis ayuu ku jiraa baadhistaana laga war sugayaa.”