|

Gantaalka Buuhoodle: Baarqab Cugashadiisu Hiil U Tahay Somaliland,Beeninta Maqnaanshaha iyo Suulinta kala Dhinaanshaha

Hargaysa 25.Oct 2015 (SDN/QJ):- Waa gantaal ka onkod wayn kuwii hore,  Bartilmaameedkiisu sugan yahay, Uma muuqdo duulimaadkiisu mid la habaabin karo, oo amaro dhalanteed ah kaga weecan kara yoolkiisa. Wuxuu ka dhiganyay Baarqab xilligiisa doob ridanaya, muujinaya inuu diyaar u yahay inuu waajibkiisa guto.

Murashax Xaglo Toosiye
Dhan kale marka laga dhugtana, wuxuu u eg yahay halgamaa xaqiisa dhacsanaya oo ku jooga raadka baaddidii ka maqnayd. Mar kalena wuxuu shabahayaa nabadoon midnimadda umaddiisa ku taamaya. Mar waa hogaamiye go,aan qaadasho leh oo si fiican u jili kara afka siyaasadda, deddi kara, daahi kara, daalacan u dhigi kara, tiisana sheegan kara. Marna waxa lagu tilmaami karraa nin xilliba duruufta taagan  la xeer ah, seefta galka ka saari karra, misana ku celin kara goorteed, haddana aan masaynin qadhaadh iyo macaan, kala garanaya inay kala mudan yihiin, labada wejiba wax ka tari kara, ku dhacle oo muquunin karra aragtida liidka ah ee dibindaabyada uun ah. Dhawris kale haddii loogu laabto, waa hub qaad firfircooni iyo hawlkarnimo loo nisbeeyo, isla markaana waa  mid ka mid ah humaagyadda jiilka cusub ee higsiga taladda.

 

Wuxuu ku dhiiraday oo uu hore u qaaday talaabo qaneecaad siyaasadeed iyo nabaddeedba bilow u noqotay, oo wax ka bedeshay jawi aan jimcoonayn oo aloosnaa. Haatana wuxuu qaaday talaabaddii labaad ee dhamayska ka dhigi lahayd waxa dhiman. Taasoo diiraddeedu tahay, isku tolidda baahiyaha bari ilaa bogox, beeninta maqnaanshaha iyo suulinta kala dhinaanshaha, si hadhuubku u noqdo mid buuxa, oo wadaaggiisana loo dhan yahay. Sidaa darteed, haddaad u hiiliso lama odhan karo waxaad u hiilisay qof, balse waxa la odhan karaa waxaad u hiilisay qaran. Inkastoo marar hore hillaaca bari diilimeeyay, haddana biligtiisu ma noqonin mid cag lugaynaysaa horteedda ku hubsan karto. Laakiin maanta suuradiisu way ka duwantay tii hore, waxaanuu u muuqdaa  mid kaalintiisa qaadanaya oo bohol iyo bahalba lagu kala hubsan karo waxa kaa horeeya.

 

Madashii Dhawaaqa Doraad

 

“Waxaan u tartamayaa jagadda murashaxa madaxweyne xigeenka Somaliland, waxaanan ka dhex tartamayaa xisbigayga Kulmiye dhexdiisa. Haddii la odhan jiray waa maqan yihiin, maanta waa joognaa. Waxaan isu taagay xaqiijinta midnimadda Somaliland, bari diiwaangelintu way ka dhacaysaa, dadkuna way codaynayaan, Buuhoodle oo ugu fogaa  waxaan balanqaadayaa, in diiwaangelintu ka dhacdo, doorashaduna ka dhacdo, codka barrina uu muuqdo. Sidaa daraadeed, waxaan ka codsanayaa xubnaha golaha dhexe ee Kulmiye dhamaantood inay codka i siiyaan. Haddaa codka i siisaan taa macneheedu maaha inaa aniga ii hiiliseen, ee waxaa u hiiliseen midnimadda Somaliland.” Sidaa waxaa yidhi wasiirka Caafimaadka Dr,Saleebaan Ciise Xaglatoosiye oo shaaca ka qaaday inuu u tartamayo murashaxa madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Kulmiye.

 

Badheedhihiisa ka sokow madashii uu ka dhawaaqay waxay bixinaysay sawir ka duwan sawiraddii hore looga shucuubta barriga Somaliland. Waxay tebinaysay sawir midnimo oo soo noolleeyay miisaankii iyo kaalintii siyaasadeed ee ay hore u lahaayeen, oo dhawr iyo labaatankii sano ee u dambeeyay tafaraaruq iyo tawfiiq la,aan ku hagaasay, maabkana dhankooda maqane jooga ka dhigay. Waxa goobta fadhiyay dhamaan haldoorkii, xildhibaanaddii iyo madaxda dawladda kaga jirta deegaanadda bariga Sanaag, koonfur bari Sanaag, Sool iyo Buuhoodle. Waxa la tilmaamay inta maqnayd inay ahayd fara ku tiris, hase ahaatee aqlabiyaddii beelahaasi ay joogeen madashaa, isla markaana markii u horaysay ay midnimo ugu dhawaaqeen hogaamiyahooda siyaasadda, si ay u beegsadaan xuquuqdooda oo dhamays ah, taasoo sawirka guudna  ka dhigaysa dhamays.

 

Falanqeeyayaal badan oo ka mid ah kuwa lafa gura dhacdooyinka ayaa dhacdadaa aad u soo dhaweeyay, kuna tilmaamay guul wayn. Waxa kale oo ay aad u bogaadiyeen midnimadda ay deegaan ahaan hankoodda ku soo bandhigeen, taasoo ay u arkaan inay tahay mid horseedaysa inuu si wayn u guulaysto Xaglatoosiye, haddii aanuu la kulmin caqabado kale oo sharci darro ah oo si gaar ah keliddii loogu dabrayo, ama aanay ka hiilin madaxtooyaddu murashaxnimaddiisa, waayo,  waxa soo duushay in aanay soo dhawayn murashaxnimadiisa .

Haddii taasi run tahay, waxay falanqeeyayaashu u arkaan inay dhici karto, in kelidii wax looga bedelo qaabka doorashada si loo joojiyo, Haddii taasi dhacdana waxa lagu tilmaamay, inay noqon doonto guuldaro wayn oo dib u kala faquuqda Somaliland. “Isbedelka maanta Somaliland wejigii hore ka bedeli karaa, waa kaa beelaha Harti waddaan. Madaxweyne ku xigeen reer bari ahina wuxu yeelanayaa saamaynta ugu badan. Wuxuu muujinayaa dheelitir iyo in laysu soo dhamaaday  oo Somaliland sawirkeedu suganyay. Sidaa daraadeed, waxa haboon in la soo wada dhaweeyo. ” Sidaa waxa ku dooday mid ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda.

Ra,yul caam kale oo tira badan ayaa falanqeeyahan la qaba fikirkaa, oo taageeray dhawaaqaa hanka barriga Somaliland, isla markaana bulshada uu ka soo jeeddo ayaa aad u soo dhawaysay, dhawraysana waxa ay golaha dhexe ee Kulmiye ka yeellaan dalabkooda, siiba xubnaha beelaha dhexe ee ah aqlabiyadda golaha dhexe ee xisbiga.

Xigasho Wargayska Ogaal.

 

 

Comments are closed