|

Gantaal Lagu Weeraray Magaalada Riyadh Ee Dalka Boqortooyada Sacuudiga oo uu Ku Sugan Yahay Madaxweyne Donald Trump

Riyadh  20. May 2017 (SDN/QJ):-Kooxda Xuutiyiinta Shiicada ee Yemen ayaa gantaal ku tuuray magaalada Riyadh ee xarunta dalka boqortooyada Sacuudiga, wax yar ka hor inta uusan magaaladaas gaarin Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Gantaalkan oo lagu liishaamay magaalada Riyadh ayaa waxay wararku sheegayaan iney meel ku dhow xadka Yemen ku soo rideen ciidamada Sacuudiga oo adeegsanaya gantaalaha loo yaqaano Patriot ee lagu soo rido gantaalaha kale.

War ay soo saareen isbaheysiga uu Sacuudigu hogaaminayo ayey ku sheegeen in gantaalkan lagu soo riday gobolka Aryan, uuna ku dhacay meel lama degaan ah, wax khasaare ahna uusan geysan.

Gantaalkan ay soo rideen kooxda Xuutiyiinta oo noociisu ahaa Burkan-1 ayaa jari kara masaafo gaareysa 200-km, waxaana saraakiisha sacuudigu sheegeen inuu kii ugu weynaa ee Xuutiyintu ku soo weeraraan dalkaas.

Comments are closed