|

Ganacsiga Baledweyne oo istaagay kaddib qiima dhac ku yimid Shilin Soomaaliga.

Baledweyne,12,May 2016 (SDN/QJ):- Dibadbaxyo ayaa Shalay ka dhacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kadib markii uu istaagay ganacsiga magaaladaasi.

 

Ganacsatada Sarifka ee BeledweyneGanacsiga ayaa istaagay kadib markii uu qiimo dhac ku yimid lacagta shilinka Soomaaliga oo markii hore boqolka dollar lagu sarifi jiray labo milyan iyo labo boqol oo kun, balse saaka ayaa waxa lagu sarifayay boqolka dollar sedex milyan iyo sedex boqol oo kun oo shilin Soomaali ah taasoo keentay in ganacsatadu diidaan in ay qaataan lacagta shilin Soomaaliga iyagoo wax ku iibinayay dollar oo kaliya.

 

Maamulka gobolka ayaa amar ka soo saaray qiime dhaca ku yimid shilinka Soomaaliga iyagoo ku amray sariflayaasha in halkiisii hore lagu celiyo.

 

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa taleefanka Baledweyne kula hadlay duqa magaaladaasi Cumar Adan Ibrahim (Cumar Badiyow) wuxuuna marka hore weydiiyay amarada ay soo saareen.

Comments are closed