Ganacsato Soomaaliyeed oo Sadexdii Caano Maal ee u danbeeyay siyaabo kala duwan loogu dilay K/Africa
K.Africa 25.Nov 2015 (SDN/QJ):- Saddex qof oo ah ganacsato Soomaliyeed ah, ayaa la soo sheegayaa in lagu dilay dalka qatarta badan ee Koofur Africa.
Ganacsataan Soomaalida ah, ayaa waxaa goobahooda ganacsi , ku weeraray kooxo hubeysan, iyadoo weeraradaasina ay dhaawacyo ka soo gaareen shan qof oo Soomaali ah.
Saddexda marxuum ee la kharajiyay, ayaa magacyadooda lagu kala sheegay, Maxamed Shariif Shumeey, Saciid Cosoble Ilka Case iyo Macallin Faarax.
Booliska dalka Koofur Africa, ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ay ku baacsanayaan qolooyinkii dilalka geysatay, oo ay sheegeen inay baxsadeen.
Dalka South Africa oo ay ku ganacsataan Soomaali fara badan, ayaa ah dalka 1-aad ee lagu laayo Soomaalida ka hayaamay dalkooda Hooyo ee ku nool Wadankaasi.