Ganacsatada Somaliland oo cabsi soo wejahday awgeed ilaalo qoranaya
Hargeysa September 13, 2023 (QJ) Ganacsatada Somaliland ayaa la sheegay in ay soo wejahday cabsi amni ka dib kolkii ay soo baxday in maalinba maalinta ka danbeysa ay kala danbeyntii meesha ka sii baxeyso.
Ciidamada amaanka Somaliland ayaa intii ka danbeysay dagaalkii looga guuleystay ee Laascaanood iyo Jabhada Gacan-Libaax waxa gacantooda ka sii baxeysa sugida amniga.
Waxa iyana isa soo taraya masuuliyiinta dawladeed ee baadaha xad dhaafka ah ka qaadaya ganacsatada dalka ee hantidoodu taalo meelaha ka fog degaanada ay ka soo jeedaan sida caasimada.
Ganacsatadan ayaa haatan la sheegay in ay qoranayaan ilaalo hubeysan oo ay hantidooda ku ilaashadaan.
Somaliland ayaa kala danbeysntii iyo hanaankii dawladeed uu hoos u dhac ku yimi intii ay xukuumada Kulmiye talada dalka gacanta ku qabatay, waxase xaalku cirka isku shareeray ka dib kolkii ciidamadii amnige ee dalka jabka ay kala kulmeen gobolka Sool.