|

Ganacsatada Muqdisho oo gadoodsan iyo suuqyada oo xiran

Muqdisho (QJ) – Suuqyada waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran kadib markii ganacsatadu ay cabasho ka muujiyeen canshuur dhowaan la soo rogay oo ay sheegeen in loo hanjabay.

Ganacsatada ayaa go’aan ku gaaray in maanta laga bilaabo ay sameeyaan shaqo joojin, taasi oo soo shaac baxday maadaama ay xireen goobahooda ganacsi. Suuqyada muhiimka ah sida Bakaaraha, Suuq Bacaad, iyo Xamarweyne, oo kamid ah kuwa ugu waaweyn Soomaaliya, ayaa dhamaantood xiran.

Baakaraha, dhammaan goobihii ganacsiga ayaa weli xiran, iyadoo ganacsatadu ay fadhiyaan bannaanka hore ee dukaamadooda, iyagoo diiday inay furaan ilaa laga xalinayo cabashadooda.

Warsaxaafadeed ay xalay soo saareen ganacsatada gobolka Banaadir ayay ku sheegeen inaysan ku qanacsanayn hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, iyagoo ku eedeeyay inay handadaad u geysato ganacsatada, ayna xirto goobaha ganacsiga. Waxa ay ku andacoonayaan in laamaha ammaanka ay bilaabeen qaadista canshuuraha, taasi oo walaac xoogan ku beertay.

Ganacsatada ayaa sidoo kale ku eedeeyay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada in ay qorsheyneyso in canshuur cusub lagu soo rogo ganacsatada iyo xoogsatada, sida ay hadalka u dhigeen ganacsatada.

Sidoo kale, Ganacsatada ayaa walaac ka muujiyay amar dhawaan ka soo baxay Taliska Booliska Soomaaliyeed oo ku aadanaa inay bixiyaan shahaado cadeyn ah, taasoo ay sheegeen inay ku soo kordhineyso culeys aan loo baahneyn.

Waxa ay ku dhawaaqeen in aysan aqbali doonin cadaadisyadaas, islamarkaana ay suuqyada sii xirnaan doonaan inta laga xalinayo cabashadooda.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii dhowr jeer oo hore ganacsatada lagu amray in ay bixiyaan canshuur ay ku soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda. Iyadoo taasi ka jawaabtay, ganacsatada ayaa dibadbaxyo ay ku muujinayaan dareenkooda ku qabtay magaalada Muqdisho, taasoo keentay in go’aan laga gaaro ganacsatada iyo dowladda federaalka xilligaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli jawaab rasmi ah ka bixin cabashada ganacsatada iyo cabashooyinka ka jira gobolka Banaadir.

Comments are closed