|

Ganacsatada loo Gacan Geliyay Wershada Laydhka ee Hargaysa iyo Qaabka Saamigooda DAAWO

Hargaysa 11.Jan 2015 (SDN/QJ)- Xukumadda Somaliland ayaa Warshada Laydhka Dawladda ee Hargeysa si rasmi ah ugu wareejisay Ganacsato reer Somaliland ah.

Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Hotel-ka Maansoor ayaa lagu shaaciyay in Warshada loo maamulayo hanaan lagu tilmaamay wadaag oo ay wada maamulayaan dad ganacsato ah iyo Xukumadda.

SHEERXafladan ayaa waxaa ka qayb galay Madaxda Xukumadda qaarkeed oo uu ugu sareeyay Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici “Maanta waxaynu halkan ku daah-furaynaa in warshadii Laydhka Dawladda ee Hargeysa aynu u bedelayno hab wadaag ah oo Dawladda iyo dad ganacsato ahi ay ku midoobaan sidii loo horumarin lahaa adigaas, oo runtii rafaad badan lala soo maray” ayuu yidhi Madaxweyne xigeenka Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay xisbiyadu siyaasada ku kala duwan yihiin arimaha bulshada, sidaa darteed uu KULMIYE kaga duwan yahay xisbiyada kale inay muhiim tahay in la ilaaliyo hantida qaranka iyada oo loo danaynayo dadka danyarta ah.

“Xisbiyada caalamku waxay ku kala aragti duwan yihiin siyaasadda dalka lagu maalayo sidaa darteed ka xisbi ahaan Kulmiye waxa uu aamin sanyahay in la ilaaliyo hantida umadda iyo dadka danyarta ah….Inay xukuumadda iyo shacabku wax wada-yeeshaan waa mid muhiima, balse loo maro dariiq hufan oo aan madmadow lahayn”.Ayuu yidhi Muuse Biixi.

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland Cabdirisaaq Khaliif oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaa is weydiin mudan shirkadahani miyey u soo tartameen oo sidaasay ku heleen mise Dawladda uun-baa u garatay? shirkadahani waxay ahaayeen kuwii noo soo gurmaday ee nala bad-baadiyey markii ay fadhiisatay warshadii laydhka ee Hargeysa”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in hanaankani yahay mid lagu xallinayo Warshada oo si habsami ah u shaqayn wayday “Markii dhib kasta dhacdo waxaa la raadiyaa xalkiisa,habkan wadaagu waa xal runtii loo helay hagaajinta adeega bulshada. Waxaa la isku gaynayaa dhaqaalihii gaarka loo lahaa iyo Awoodii maamul ee dawladda”

Madaxweyne xigeenka ayaa sheegaya inaanay ahayn in Warshada lagu wareejiyay Ganacsadaha oo faraha looga qaadayo balse lala maamuli doono “Hawl lagu wareejiyay uun Ganacsato oo faraha looga qaadayo oo ay u madax banaan yihiin maaha ee waa hawl la wada leeyahay oo la wadaagayo.Xukumaddu markay hanaan ama nidaam dhan oo shaqaynayay oo ama warshad ahaa ama wax kale ahaa ay awood ama dhaqaale u waydo waxay ku wareejisaa Ganacsato ILAAHAY dhaqaalaha siiyay oo ay tidhaahdaa meeshaa Kici” ayuu yidhi Madaxweyne xigeenka Somaliland.

Madaxweyne xigeenka Somaliland waxa uu sheegay inay Xukumaddu ka mid noqonayso Guddida sare ee Shirkadda islamarkaana dusha kala soconayso Siyaasadda Shirkadda si ay iskugu daydo inay xakamayso Qiimaha Laydhka. waxa uu sheegay in Dawladdu gacanta ku haysay Warshadda Laydhka Hargeysa iyo ta Berbera, haddana waxa socota in Warshada Berbera ee Laydhka oo Xukumaddii hore samaysay ganacsato lagu wareejiyo.

“Waxaan Umadda SOmaliland ugu Bushaaraynaynaa in Dastuurkeenu Ogol yahay in dawladdu hantideeda ciday doonto la wadaagto, iyadoo uga jeeda inay samayso adeeg wanaagsan oo jaban oo Joogto ah la helo.”Ayuu yidhi Cabdirxmaan Saylici.

Ganacsatadan dawladu ku wareejiysay ayaan la garanayn sababta ku kaliftay xukuumadda inay wareejiso oo ay ka dhigto meel dad ganacsato ahi si gaar ah u maamulayaan, Ganacsatada Somaliland ayaa ah kuwo dhiig miirato ah oo aan dadka shacabka ah u naxariisan oo aan maceeshada ka jebin, balse ah kuwo dantooda ka fikira ilaa imika lama ganayo sababta ay xukuumadu ula shuraakowday Ganacsatada.

Dhinaca kale, Golaha Deegaanka Magaalada Berbera ayaa daadufadeeyey go’aan ay xukuumadu ku doonaysay inay shirkad gaar loo leeyahay la yidhaahdo TAYO ku wareejiso laydhka Magaalada Berbera,iyaga oo ku sababeeyey inay doonayaan inay laydhkooda maamusho xukuumaddu,

Ganacsatadan lagu wareejiyay Wershada Laydhka Caasimada Hargeysa ayaa waxay Saamiga wadaaga u kala heleen sidan: 

Shirkadda Dahabshiil Waxay Qaadatay 35% 

Ganacsade Maxamed Siciid Geedi………35%

Idiris Xaamud Jibriil……………………….10%

Xukuumaduna waxay saami u heshay…20%  

Hargaysa SDN/QJ

 

Comments are closed