|

Ganacsatada Gaadiidka soo Dejisa oo ku Hanjabay inay ka Wareegi doonaan Dekeda Magaalada Berbera iyo Sababaha Keenay

Dubai 31.March 2015 (SDN/QJ)-Ganacsatada Somaliland ee keena Gaadiidka, ayaa shir ay ku yeesheen Dubai ku sheegay inay u wareegi doonaan Dekeddaha Somalia haddii laga dayn waayo lacag 80 Dollar ah iyo qalab la sheegay in lagu hubinayo tayadada gaadiidka soo degaya oo Dekedda Berbera la dhigay.

Waxay sheegeen inaanay arrintaasi qaadi karrin, iyagoo Madaxweyne Siilaanyo ka codsaday inuu arrintaasi dib u eego islamarkaana Ganacsatada laga daayo Lacagtaasi iyo qalabkaasi gaadiidka imanaya lagu tijaabinayo.

“Waxaanu ka codsanaynaa Dawladda oo Madaxweynuhu ugu sareeyo in arrintaas wax laga qabto oo aanay ahayn wax ku munaasib ah in Gaadiidka bir loo dhigto dekedda horteeda. Maadaama oo Wasiirka gaadiidka loo tagay oo aanu arrintan waxba ka qabanin, Madaxweynaha waxaanu ka codsanaynaa inuu arrintaasi hoor u eego” ayaa ka mid ahaa hadalka Ganacsatada.

“In Jaaliyadda Dibaddu ka hadasho arrintan waxaa nagu kalifay Facaskan la keenay dalku wuu u baahan yahay laakiin, Dekedda Boosaaso waa la geeyay Qalabkan oo markii ganacsatadoodu cabasho ka muujiyeen ee Madaxdooda u cawdeen dee dekedda waa laga hor qaaday. Annagu waxaanu ka cabanaynaa gaadhigii oo aan sooba degin baan facas ku marinayaa dekedda gudaheeda dee arrintaasi aduunka Ugub bay ku tahay”

Ganacsatada ayaa sheegay in Dekedda Berbera cashuuro badan oo dheeraad ah lagaga qaado, 80-ka dollar ee haddana aanay qaadi Karin “Annagu waxaanu leenahay 80-Ka doolar ee meel loo waayay hanalaga daayo haddii kale waxaanu u wareegi dekeddaha Puntland ee laga daayay qalabkan wax lagu hubinayo iyo Lacagtan”

Ganacsatada Gaadiidka keena ee Gudaha dalka ku sugan ayaa muddooyinkii u dambeeyay saxaafadda marinayay siday arrintaasi uga soo horjeedaan islamarkaana lacag xaaraan ah oo wasiirka hawlaha guud iyo shakhsiyaad kale qaataan ku tilmaamay Lacagtan 80-ka Dollar ah.

 

Comments are closed